Shaqadu Waa Shiidaalka Rajada Iyo Cadawga Fashilka".
Maxaa Ka Qurux Badan Hadalkii Haajara (Alle Ha Ka Raalli Noqdee) Xaaskii Ibraahim Iyo Hooyadii Ismaaciil, Markay Ninkeedii Raacday, Ka Dib Markuu Iyada Iyo Wiilkeedii Kaga Tegay Tog Aan La Beeran Karin. Oo Uu Haajiray. Intay Wax Warsanaysay Waxay Ku Tidhi "Ibraahinow Xageed U Socotaa Oo Aad Nooga Tagaysaa Toggan Aan Dad Iyo Waxba Oolin?" Uma Uusan Jawaabin, Markaas Ayey Ku Tiri:- Ma Allaah Ayaa Ku Faray Inaad Sidaas Sameyso? Wuxuu Yiri:- Haa. Waxay Tidhi: "Markaas Nama Dayrin Doono." Illeen Eebbe Ma Dayriyo Addoomadiisa Xaqa Ah. Miyaan Eebbe Ka Abaal-Marin Ninka Iyo Naagtiisa Eek U Jiray Suuradda Al-Kahf!
"Wiilkana Waxay Ahaayeen Labadiiisii Waalid Mu'miniin Waxaana Ka Cabsannay Inuu Ku Mashaqeeyo Xadgudub Iyo (Gaalnimo). Waxaanna Doonnay Inuu Ugu Badalo Eebahood Mid Ka Khayrroon Daahirnimo Iyo U Dhawi Naxariis". (Qur'an 18: 80-811
Miyaan Eebbe U Daryeelin Hantidii Ninkii Mu'minka Xaqa Ahaa Labadiisa Wiil, Markuu Ku Amray Saaxiibkii Muuse Inuu Dib U Dhiso Gidaarka Si Uu U Sii Xoogeysto Ilaa Ay Labada Wiil Ka Koraan Oo Ay Qaataan Maalka Aabahood.
"Darbigana Waxaa Leh Labo Wiil Oo Agoon Ah Oo Magaalada, Waxaana Hoostiisa Ah Kansi Ay Leeyihiin Wuxuuna Ahaa Aabahood Mid Suubban, Wuxuuna Doonay Eebahaa Inay Gaadhaan Xooggooda Lana Baxaan Kansigooda Naxariista Eebahaa Dartiis..." (Qur'an 18: 82)
"Ma Beddeli Karo Wixii Tagay, Mana Garan Karo Waxa Iman Doona, Haddaba Maxaan Ka Qoomameeyaa Ama Aan U Welwelaa?"
F.G Qoraalkan Iyo Buuga Waa Kala Laba
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!