CASHAR LAGA YAABO IN UU KU ANFACO.
X/S Cawil Cabdille
Qoraaga caanka ah Robert Greene oo wax ka qora mawduuca dabciga silloon ee basharka iyo xeerarka awoodda ayaa halkan waxa uu inooga waramayaa wadadii dheerayd ee uu u soo maray, qorista buuggiisi ugu caansanaa buugaagtiisa "48 Rules of Power". Marar badan ayaan wax ka qoray buuggaan, balse maanta kawarami mayno buugga ee wadada uu qoraagu usoo maray ayaannu ka waramaynaa - waliba isaga ayaa ka waramaya. Cashar nololleed oo laga yaabo in uu anfoco in badan oo inaga mid ah ayaa ku jira.
Buuggani waxa uu u qoran yahay habka buuggii injiilka siyaasadda ee "The Prince". La mid ma ahan buuggaas mana gaaro, balse waa hooskii buuggaas. Qofka iyo hooskiisana wax isaga eg ama isaga dhaw ma jiraan.
Sideedaba shaqada ugu adag ee qof waliba oo bani'aadam ahi uu wajahaa waa in uu ogaado waxa uu ku wanaagsan yahay ee ay hibadiisu tahay.
Noolaha kale oo dhan iyaga oo is-ah ayay dhashaan: bisaddu iyada oo bisad ah ayay dhalataa, eeygu isaga oo eey ah ayuu dhashaa, balse qofku isaga oo aan waxba ahayn ayaa uu dhashaa. Waa in uu halgan naf-hurnimo leh u galaa waxa uu doonayo in uu noqdo. Wax aadan hibadooda lahaynna ma noqon kartid, si wal oo aad isugu daydo.
Murti ballaaran ayaa ku jirta in ay dadka hibadoodu kala duwanaato. Haddii aannu jiri lahayn dad ay hibadoodu farsamada gacanta tahay, farsamo-yaqaan lama heleen. Wax walibaana waa sidaas oo kale. Balse hawsha ugu culusi waa sida ay isu helayaan qofka iyo hibadiisu. Waxa ay u baahan tahay in uu is baadi-goobo oo uu maalinba meel isku tuuro, marka ay soo celisana uu meel kale madaxa ku qaado, ilaa uu iska helayo ama ka dhimanayo.
Sheekada qoraaga ayaynu u galaynaaye, waxa uu yiri, "Waxa aan ogaa aniga oo aad u yar - qiyaastii siddeed jirkaygi - in aan doonayay in aan qoraa noqdo. Jacayl xad-dhaaf ah ayaan u hayay buuggaagta iyo waxa qoran ba. Qoraayadu waa ay tiro badan yihiin e, waxa aan doonayay in aan noqdo qoraa sheeko-fanneed, balse markii aan waynaaday ee aan jaamacad gaaray, waxa aan ogaaday in aan u baahanahay xirfad aan ku noolaado, sidaas awgeed in aan qoraa sheeko-fanneed noqdaa waxa ay ahayd arrin aan waaqic ahayn. Maadaama aan ku noolaa caasimadda New York waxa aan doortay xiradda saxafinimo si aan ugu yaraan ugu noolaado.
Muddo dhawr sannood ah kadib markii aan ku shaqaynayay barnaamij-soosaare iyo qurubtire, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa qado igu martiqaaday nin aannu wada shaqaynaynay, oo markaas gacanta ku hayay tifaftirka maqaal aan doonayay in jaraa'idka lagu daaboco. Kadib markii uu ka laacay koobkii sadexaad oo khamri ah ayuu ku dhiiraday in uu ii sheego sababta uu qadada iigu marti qaaday.
'Xaqiiqdii waa in aad raadsataa xirfad kale oo aad ku wanaagsan tahay,’ yiri, isaga oo sii raaciyay, 'xarfaddatan kuma aad fiicnid, qoraalkaaguna ma ahan mid nidaamsan oo isku dubaridan. Ma ahan mid ku habboon dadka intooda badan. Waxaan kugu la talinayaa in aad dhinaca sharciga aaddo ama aad ganacsade iska noqoto. Shaqadatan naftaada waa aad ku dhibaysaa.'"
"Judhii horaba erayadaasi waxa ay ahaayeen jug wayn oo caloosha la igala halleelay. Laakiin bilihii ka dambeeyay ayaan wuxuun ka ogaaday naftayda. Waxa aan ogaaday in aan isku dhextuuray xirfad aanan ku habboonayn. Sidaas awgeed waa aan isaga baxay xirafaddii saxafinimo oo dhan. Waxa aan bilaabay in aan is-baadigoobo, oo aan ogaado waxa aan ku haboonahay.
Hayaan dheer ayaa ii bilowday. Qaaradda Yurub oo dhan ayaan cagta soo mariyay. Shaqo kasta oo iga hor timid ayaan qabtay. Shaqaale dhisme ayaan Giriigga ka noqday, macallin Ingiriis ayaan Baarsiloona ka noqday, receptionist ayaan huteel Paris ku yaal ka noqday, Ireland ayaan wadda-mariye dalxiis ka noqday, Television ay leedahay shirkad Ingriis ah ayaan tababare ka noqday.
Waxaan isku dayay in aan qoraa sheeko-faneed iyo mu'alif riwaayadood noqdo. Dib ayaan ugu soo laabtay gobolka California, magaaladiisa Los Angeles, oo ah halkii aan ku dhashay kuna barbaaray. Shaqooyin kale oo qaab-daran ayaan haddana ka soo qabtay shabakad basaas. Waxaan galay shirkadaha filimada soo saara, anigoo kasoo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin kaaliye-film-soosaare, cilmi-baare, sheeko-soosaare iyo hadal-qore. Isugaynta sannaddahaas tirada badan ee aan iska dabo wareegayay, waxaan soo qabtay ku dhawaad lixdan shaqo oo kala duwan.
Sannadkii 1995-tii, waaliddiintay (Eebbe haw raxmadee), waxa ay bilaabeen in ay si dhab ah uga walwalaan mustaqbalka wiilkooda. Sodon iyo lix sano ayaa ii buuxsantay sannadkaas, waxaanan ula muuqday qof nolosha ka habaabay, meelnana ku xasili waayay. Qudhayda waa ay isoo mareen marar badan oo aan dareemay quus, rejobeel iyo qulub, balse marna si dhammaystiran uma aanan rejo dhigin. Waxuun igu jira ayaa horay ii riixayay oo i hagayay."
"Baadigoob iyo daahfur aan dhammaanayn ayaan ku jiray. Waxaan u haraadanaa in aan waayo'aragnimo yeesho, aniga oo si joogta ah wax u qorayay. Isla sannadkaas aniga oo Talyaaniga shaqo kale oo aan helay u jooga, ayaan la kulmay nin lagu magacaabo Joost Elffers— oo ahaa qaabeeye iyo buug-soosaare. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aniga iyo asaga oo dhex lugaynayna magaalada Venice, waxa uu marqura iwaydiiyay bal in aan hayo wax uun fikrad ah oo buug laga qori karo.
Judhiiba fikrad aanan aqoon meel ay kasoo maaxatay ayaa igu soo dhacday. Waxa aan waligayba joogto u akhriyi jiray buugaagta taariikhda iyo sheekooyinka ku saabsan boqorkii Qaysar iyo saldanadii reer Spain ee Borgias iyo tii boqorkii 14-aad ee Faransiiska Louis XIV, kuwaas oo si wayn u shabahayay sheekooyinkii aan qudhaydu kala soo kulmay shaqooyinkii farahaha badnaa ee aan soo qabtay - kaliya sheekooyinkaygu dhiig un baysan lahayn.
Dadku xukunka iyo awoodda waa ay jecel yihiin, haddana waxa ay ku dedadaalaan in ay qariyaan hamuunta ay xukunka iyo awoodda u qabaan. Si ay taa ugu guulaystaanna xeelado badan oo ay wax-isdabamarin iyo weli-isu-ekaysiin ka mid yihiin ayay adeegsadaan. Aniguna [xeeladahaas] in aan kashifo ayaan go'aansaday."
"Isla ilbiriqsigii aan saaxiibkay u sharaxayay fikraddaas, oo kadib noqon doonta buuggaygi ugu horreeyay ee 48 Rules of Power, waxa aan dareemay wax maankayga qalab kusoo yiri. Aad ayaan ugu bogay fikraddaas maankayga kusoo dhacday. Waxa aan dareemay in ay tahay wixii aan waligayba goobayay. Markii aan arkay in uu isaguna la dhacay, aad ayaan ugu sii bogay. Waxa uu ii sheegay in uu soo dhawaynayo fikradda buuggaas, isla mar ahaantaana uu kafaala-qaadayo noloshayda inta aan ka qorayo kala bar buugga, kadibna uu madbacad ka iibin doono buugga, isaguna maadaama uu yahay isu-dubaride iyo soosaare buug uu shaqadaas ka qaban doono. Markii aan kusoo laabtay magaaladaydi Los Angeles, ee aan bilaabay qoridda buugga 48 Rules of Power, waan ogaa in ay tahay fursad mar-la-arag ah oo noloshayda soo marta, isla mar ahaantaana aan kaga baxsan karo jahawareerkii dheeraa ee aan mudada kusoo jiray. Sidaa awgeed dedaalkaygi oo dhan ayaan isugu geeyay.
Tabar iyo caqli wixii aan tahli karay waxba kama aanan reeban, sababtoo ah waa in aan guulaystaa oo aan buuggan ku guulaystaa ama waa in aan ku fashilmaa oo aan nolosha oo dhan ku fashilmaa. Kadib waxa aan buuggii isugu geeyay wixii ay cashar noloshu isoo bartay oo dhan, wixii aan waayo'aragnimo ka helay xirfaddaydi saxafinimo, wanaag iyo xumaanba wixii aan kala soo kulmay shaqooyinki lixdanka ka badnaa ee aan kasoo soo shaqeeyay iyo maamaulayaashii qalafsanaa ee aan lasoo shaqeeyay. Xiisihii iyo dedaalkii aan galiyay buuggaas waa mid alhristuhu dareemi karo. Dabcanna sidii aan filayay si aad uga heersaraysa ayuu buuggii guul lexaad leh soo hoyiyay."
"Haddeer oo wakhtigaas laga joogo 25 sano, markii aan dib u milicsado, waxa aan garwaaqsadaa in ay jireen waxuun mar waliba horay ii riixayay oo ilahaa "ha niyad jabin", "isku day mar kale", "isku day mar kale." Codkaas gudahayga ah waa kii aan maqlayay ilaa caruurnimadaydi ee igu hagayay yoolkii nolashayda. Waxa ay igu qaadatay sannado tiro badan, waayo'aragnimo tiro badan, khaladaad tiro badan iyo caqabado tiro badan in aan yoolkaas gaaro."
Casharka ku jiraa waxa uu yahay, da' kasta oo aad jirto, caqabad wal oo ku hortaal, shaqadaadu waa in aad hesho yoolka noloshaada; yoolka noloshaaduna waxa aad doonayso in aad qabato ka hor inta aadan dhiman. Illaa aad ka helaysid yoolkaasna noloshaadu isbadali mayso macnana yeelanmayso.
Xigasho dr jamac sahal
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...