Itoobiya ma ka dabaalan doontaa dhaqaale xumada soo food saartay

0
Wednesday July 31, 2024 - 09:00:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya ma ka dabaalan doontaa dhaqaale xumada soo food saartay

    Maxaa isbeddelay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa isbeddelay?



Dowladda Itoobiya ayaa meelmarisay go’aan dhigaya in suuqa xorta ahi uu go’aamin doono nidaamka sarrifka lacagaha. Wax ka beddelkaan ayaana ah mid meesha ka saaraya nidaamkii soo jireenka ahaa 50-kii sanno ee lasoo dhaafay. Lacagta Birrta ee Itoobiya ayaana lumisay saddex meelood meel ka mid ah qiimaheedii doolarka lagu sarrifi jiray ku dhawaaqista nidaamka sarrifka lacagaha qalaad awgeed.

 

 

Maxaa isbeddelay?

Waxii hadda ka danbeeya Bangiyada dalka Itoobiya ku yaala ayaa sarrifka lacag qabashada iyo bixinta kala heshiin doona macaamiishooda waxayna tani xorriyad siinaysaa macaamiisha lacagaha ee sarrifka raba. Halka markii hore Baanka Qaranka ee Itoobiya uu jaangooynayay habka lacagaha lagu sarifo si maalinle ah. Bangiyada ayaa hadda kadib lacagaha ajnabiga ah awood u yeelan doona in ay keydiyaan halka markii hore in ay 50% sarifka lacagaha shisheeye ee ay sameeyaan toddobaadkii ay Baanka Dhexe ee dowladda Federaalka Itoobiya dhigi jireen.

 

Sarriflayaasha lacagaha ajnabiga ah ee caadiga ah ayaa hadda kadib si toos ah uga shaqaynsan kara suuqyada Itoobiya. Taas oo markii hore ahayd wax mamnuuc ah oo aan la ogolayn.

 

Sannado badan hay’adaha lacagaha ee caalamiga ah ayaa ku riixaayay dowladda Itoobiya in ay qiimaha sarifka lacagta Birta ah ee doolarka loo beddelaayo ay yareeyaan. Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sidoo kale Itoobiya ku dhaliilaysay habka jaangoynta sarrifka lacagaha ee suuqyadda taas oo ay Dowladda Itoobiya samaynaysay muddo tobanaan sano ah. Hay’adda Lacagaha Adduunka ayaana muujinaysay in haddii uu jiro nidaam aan ka kakanayn oo ku aadan sarifka lacagaha qalaad kaas oo uu jaangooynaayo dalabka suuqa uu jiri lahaa si’uu u dhiirigeliyo nidaamka wax dhoofineed in dalka uu ka xalin lahaa is-nuugga dhaqaale ee ku yimid.

 

"Culeysyo dhinacyo farabadan ka yimid iyo qaab socodka siyaasadeed ee dalka si loo furfuro oo maalgashi faro badan iyo lacago oo dhaqalaaha dalka kor loogu qaadaayo loo helo iyadoo laga duulaayo ayaa hannaankan cusub ee dib-u-habaynta siyaasadda nidaamka lacagaha dalka la sameeyay, ujeedka ugu weyna waa sidii lacago adag [qalaad] waddanka u soo geli lahaayeen” ayuu yidhi Barkhad Muxumed oo aqoonyahan arrimahaas u dhuundaloola, Islamarkaana Hadda Diyaarinaya Shahaadada Saddexaad ee Cilmiga Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga oo ku sugan Itoobiya.

 

Kebour Ghenna oo ah madaxa fulinta rugta ganacsiga iyo warshada ee PACCI oo ah dhaqaaleyahan waxuu aaminsan yahay in tallaabadaan cusub ee wax looga beddelayo nidaamka sarrifka lacagaha ee Itoobiya in uusan ahayn mid si wax ku ool ah waxtar ula iman kara. "Ma aaminsani siyaasaddan cusubi in ay wax isbeddel ah samayn doonto” ayuu yidhi isaga oo u warramaya BBC-da.

 

Talaabadan ay dowladda dhexe ee Itoobiya qaaday ayaa ujeedkeedu yahay inay uga hesho IMF iyo Baanka adduunka $10.7 Bilyan oo deyn ah. Itoobiya ayaana la daaladhacaysay gabaabsi ku yimid lacagaha qalaad ee waddanka yaala. Arrintan ayaana cabsi badan ku abuuraysa shacab badan oo Itoobiya ku nool in ay ku keeni karto habka nolosha oo sare u kaca.

 

Ka dib habkan cusub ee sarrifka lacagahu uu go’aamin doono suuqa ayaa hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxay itoobiya siinaysa lacag $3.4 Bilyan ah muddo afar sanadood gudahood ah. Warbixin ay qortay IMF ayaana sheegaysa in lacagtan loogu talo galay in lagu sameeyo isbeddalada dhaqaale uu gudaha Itoobiya ah, taas oo u gogol-dhig u noqonaysaa in ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay hoggaamiyaan kobaca dhaqaalaha dalka.

 

Kebour Ghenna waxuu aaminsan yahay talaabaddaan suuqa sarrifka lacagta looga dhigayo mid xor ah in ay tahay shuuradaha la ay yimaadeen Baanka Adduunka iyo IMF. "IMF iyo Baanka Adduunku waxay la yimaadaan shuruudo si ay deyn u bixiyaan, taas oo waddanka gelisa dhibaato ee aan ahay mid ka saarta dhibaato” ayuu leeyahay isaga oo ka warramaya lacagahaan cusub ee Itoobiya ay doonayso.

 

Maxamuud Warsame waa sarrifle ku nool magaalo xuduudeeda Wajaale ee u dhexeysa Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland, waana meesha ugu weyn ee sarrifka lacagaha qalaad uu ka soo galo Itoobiya, waxuu aaminsan yahay in talaabaadan lagu ogolaanayo sarrifka lacagaha ee suuqa ay tahay mid faa’iido u leh Soomaalida.

 

"Nidaamkan cusub ee ay itoobiya soo kordhisay ee lacagaha sarifka, runtii faai’iido badan buu u yeelan doonaa nidaamka sarrifka ee Soomaalida, gaar ahaana Wajaale – maxaa yeelay Wajaale dhaqaalo badan baa yaalay Itoobiyana aad bay ugu xidhnayd, markii horena xidh-xidhnaansho badan baa jirtay” ayuu yidhi isaga oo ka warbixinaya habka nidaamkani faa’iido badan ugu keeni doono Soomaalida.

 

Waxaa sidoo kale jira sariflayaal Soomaali ah oo gudaha Itoobiya ku sarrifa lacagta Itoobiya kuwaas oo beddela lacagaha qalaad, iyagoo lacagta ku sarrifa kolba sarrifka Wajaale halkuu marayo, taas oo ahayd mid ay ku samayn jireen si dhuumasho oo haddii lagu qabto xabsi ay mutaysanayaan, balse habkan cusub wuxuu u ogolanayaa in ay suuqa si xor ah ugu sarifi karaan lacagaha qalaad.

 

"Lacagtii adkayd ee ama doolar ha ahaato ama lacagaha kale ha ahaadaane lala dhuuman jiray, ee haddii lagugu qabto lagugu xidhi jiray ayaad si xor ah u sarrifan doontaa – waana faa’iido” ayuu yidhi Maxamuud oo qeexaya habka Soomaalida gudaha Itoobiya ku nool ee sarriflayaasha ah ay tani fa’iido ugu noqonayso.


Loading...
Loading...