Saamaynta Dhaqaale Ee Maraykanka Ay Ku Keenayso Burbudka Boeing 737Max 8

0
Tuesday March 12, 2019 - 10:09:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saamaynta Dhaqaale Ee Maraykanka Ay Ku Keenayso Burbudka Boeing 737Max 8

    The Trade War Between China and US over the Global Economic Leadership.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

The Trade War Between China and US over the Global Economic Leadership.


Markii Shalay Ay Burburtay Diyaaradii Ethiopian Airline oo Ay Farsamaysay Shirkada Boeing Ee laga leeyahay Dalka Maraykanka Magaceeduna Ahaa Beoing 737 Max 8 waxa Xalay ba ka Fal celiyey Shiinaha Oo Hakiyey Isticmaalka Diyaaradaas oo Ay ku macneeyeen mid aan Safety geeda lagu kalsoonaan Karin iyadoo Shirkadaha Shiinuhu ahaayeen cida ugu Iibsiga Badnayd Diyaadadahan B 737 Max 8 ka oo Suuqa ku cusbaa in ka badan 1/5 Total Sales ka.


Maanta iyaguna waxa Go'aankaas mid lamida qaatay Indonesia iyo Itoobiya oo Iyana Hakiyey Isticmaalka Diyaaradaas.

Sababta Shiinuhu u Hakiyey markiiba Ee Ay Goaanka degdega uga qaaten Saacado Gudahood waxay u Eegtahay in Shiinuhu Ay Fursad u arkeen Ay Suuqa kaga saari karaan Shirkada Boeing Ee Reer Maraykan maadama Shiinuhu Qudhiisu Sanadkii tegay Suuqa soo geliyeen Passenger Flights lagu farsameeyey Gudaha Shiinaha Oo lavu magaacabo C919 oo Dedaal xooga ugu jirtay In Ay Suuqa Aviation Industry GA kula tartamaan Boeing iyo Airbus.

Shiinuhu shilkan Fursad bay u arkeen Ay Suuqa kaga saari karaan Boeing.

Kudarsoo Maraykan Laftarkiisu Sanadkii 2017 kii waxay khaladaad farsamo oo la xidhiidha Xadiga Qiiqa Ay Hawada kusii daayaan ku Heleen Shirkada Volkswagen Ee Baabuurta Samaysa oo laga Leeyahay Wadanka Jarmalka Oo Xaga Gaadiidka Raaxaada Kaga Horumarsan Shirkadaha Laga Leeyahay Maraykanka Fursadaas ay ku Heleen Sumcada ayay kaga dhaawaceen Maraykanku Shirkada VW Waxaanay Shirkada Khasaartay Balaayiin Dollar waxa dub loosoo celiyey Baabuurtii La Iibgeeyey Si loo saxo khaladaadka lagu sheegay Dawlada Jarmalku iyagu Dheg Jalaq umay siinin Ee Taagero ayay siiyeen Shirkadooda oo Tartan Culus kula jirta kuwa Maraykanka Iyo Japan Suuq wayna kule Maraykanka. Dhacdadani waxay u Eegtahay taas Maraykanku Sumcada kaga Dhaawaceen VW In Shiinuhuna Sumcada ka dhaawaco Boeing si Ay Macaamiil badan u lumiso.

24 Saacadood Gudahood Meelo badan oo dunida ah ayaa la Hakiyey Isticmaalka Diyaaradaas laakiin Gudaha Maraykanka weli si Caadiya ayay uga Shaqaynaysaa Sidii Jarmalka si lamida Dawladoodu way garab istaagaysaa si aanay Suuqa uga bixin Oo Dhaqaalihii Maraykanku caahuur ahaan uga heli jiray hoos u dhicin..

Waa Dagaal dhaqaale oo Fursad laysla sugayo
Alle haw naxariistii Umadii Islaamka ahayd Ee Naf wayday..

Ahmed A.Muse
Logiscian
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...