Maxkamadda Oo Rumaan Garaysay Darbi Jiif Cabasho La Hortagay Wasaaradda Shaqo Galinta.

0
Sunday February 03, 2019 - 14:12:11 in News by Super Admin
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Oo Rumaan Garaysay Darbi Jiif Cabasho La Hortagay Wasaaradda Shaqo Galinta.

    Hargaysa (HWN) Wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshadda somaliland ayaa Dhalinyaro Darbi-jiifa oo tiradoodu gaadhayso laba iyo laabatan dhalinyaro ah oo cabasho ay la hortageen wasaaradda shaqo galinta toddobaadkii hore Ayaa Maxkamadda Gobolku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshadda somaliland ayaa Dhalinyaro Darbi-jiifa oo tiradoodu gaadhayso laba iyo laabatan dhalinyaro ah oo cabasho ay la hortageen wasaaradda shaqo galinta toddobaadkii hore Ayaa Maxkamadda Gobolku Dib Xabsiyadda ugu celisay.
Dhalinyaradii Darbi-jiifka ahayd ayaa Shalay waxa la horkeenay maxkamadda gobolka taasi oo ay maxkamadu u rumaan garaysay si xabsiga ugu sii jiraan,waxaana arinkan walaac xoogan ka muujiyay haay’addaha u dooda xuquuqdaha Aadanaha.

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in Dhalinyaradii Darbi-jiifka ahayd ee nolosha Adag Wehelka u Noqotay in Xukuumadii Daryeeli Lahayd Maanta Xadhig iyo Xukuno sugayaal kaga dhigtay Saldhigyadda Dhexdooda.


"Maxkamadda Ayaa shalayto la keenay laba iyo laabtan dhalinyaro darbi jiif ah oo lagu edeeyay in ay wadeen mudaharaad sharci daro ah,markaas maxkamadu way rumaan garaysay,Lakiin Dastuurka qodobka sagaal iyo tobnaad waxa uu dhigayaa in dhalaanka cid dar yeesha aan lahayn iyo dadka aan xiskoodu dhamayn iyo waliba dadka nugul oo dhan uu waajib ka saraan yahay in dawladda somaliland daryeesho,waxaana arinkani gaar u sii saran yahay wasaaradda shaqadda iyo arimaha bulshadda,markaas dadkaas cabanayay ee cabashadda wasaaradda la horyimid in la xidh-xidho oo xabsiga lagu guraa runtii wax haboon maaha.

Intaas waxa uu ku daray guuleed Axmed Jaamac Dafac isaga oo hadalkiisa siiwata.”waxa ay ahayd in dhalinyaradda darbi jiifka cabashadda ay qabaan la dhagaysto oo loo soo baxo oo garta iyo xaq ay leeyihiin lasiiyo,lakiin qof cabasho kuula yimid adiga oo dawladda inaad xadhig ugu jawaabto may ahayn dadkanina marka horeba waa dad baahiya nololeed ay dibadda u soo saartay markaas arinkaas lagula kacay arin aad looga naxo weeyaan oo saldhigyaduba meel ay ku hayaanba majirto laba iyo labaatan caruurta darbi jiifta ah.

Tan iyo Intii xukuumadda Madaxwayne Biixi Cabdi Taladda Dalka La Wareegtay Waxa ay Si Aad Ah cabudhin ugu haysaa bulshadda qaybaheeda kala duwan haday noqon lahayd dad shacabka oo aragtidooda loo xidhay,qaar loo haysto madaxwaynaha ayaad u socotay sidiisa iyo waliba Darbi-jiif cabasho la hortagay wasaaradda shaqo galinta oo iyaguna hadda xukun sugayaal ugu jira Xabsiyadda.

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.
Loading...
Loading...