WAXAA SHARAF KUUGU FILAN INAAD MUSLIN TAHAY

0
Tuesday July 30, 2024 - 13:21:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAA SHARAF KUUGU FILAN INAAD MUSLIN TAHAY

    Arrimahaasi waa u fududahay qofka Alle u fududeeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrimahaasi waa u fududahay qofka Alle u fududeeyo.

Wax kasta oo Alle dartii kuugu dhacaa waa kafaaro-gud, hadduu Eebbe swt idmo. Maqal bishaarada uu xadiithka warinayo:

"Haweenaydu hadday addeecdo Rabbigeed, oo shanteeda salaadood oo dhan dhawrto, sharafteedana ilaaliso, waxay gelaysaa Jannada Rabbigeed."


Arrimahaasi waa u fududahay qofka Alle u fududeeyo. Haddaba, markaad camaladaas waaweyn samayso waxaad la kulmi doontaa Rabbi naxariis badan oo ku farxad geliya adduun iyo aakhiraba. Raac sharcigiisa meel kasta oo ay ku geyso, kuna dhaqan kitaabka Alle (Qur'aanka) iyo Sunnada Rasuulkiisa Muxammad (NNKH), waayo waxaad tahay haweeney Muslimad ah, tanina waa sharaf weyn iyo wax aad ku faanto.

Dumar kale waxay ku dhasheen dhulka Kufriga, Nasaarada, Yuhuuda, Shuuciyada iyo diimo kale oo aan Diinta Islaamka ahayn, balse Eebe wuxuu kuu doortay inaad noqoto Haweenay Muslimad ah, wuxuuna kaa yeelay mid ka mid ah haweenka raacay Muxammad (Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaato), adigoo raacay wadadii Caa'isha, Khadiija iyo Faadumo - Allaah haka raalli noqdee dhammaantood. 

Hambalyo, waxaad tukatay shanta salaadood, waxaad soomaysaa Ramadaan, waxaad u soo xajaysaa Baydka, waxaad dhawrtaa xijaabka Islaamka. Hambalyo, waayo waxaad ka raalli noqotay Eebbe inuu yahay Rabbiggaa, Islaamkana diin ka dhigatay, Muxammadna (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) inuu Nebi kuu yahay.

"Dahabkaadu waa diintaada, quruxdaadu waa akhlaaqdaada, hantidaadu waa Usluubtaada."
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...