Simple Project ''...W/Q Axmed Nuur Guruje
Wadada Wadnaha loo yaqaano ee Badhtamaha Hargaysa waa mid saxmada oo aan habeen iyo maalin marna cidhiidhigeedu is dhimin , waxa kale oo jirta in dadka iyo baabuurtuba iyaguna usoo kordhayaan si xad-dhaafa marba marka ka danbaysa .
Sidaa darteed , Is goyska Tiyaatarka , amaba Sal-dhiga Booliska ee New Hargaysa ilaa Is goyska Wakaaladda Biyaha ama Ex Gobolka , hadii lagga sameeyo waddo dul marta wadada laamiga ah waa mashruuc sahlan oo la hirgelin karro.
Mashruucaasi haduu hir gelo , boqol kiiba boqol wuxuu fududayn karaa culayska wadada , saxmadana wauu dhimi karaa , waxa kale oo uu soo kordhin karaa qurux iyo bilic u qalanta in Caasimaddu hesho .
Dhinaca kale Mashruucaas waxaa loo hirgelin kara labba siyood ,
1- In dawladda hoose iyo dawladda dhexe ku talagal waqtiyaysan u sameeyaan hirgelinta mahsruucaas isuguna tagaan ,
2- In Shirkadaha ganacsiga lala kaashado , oo loo raadiyo maal gelin , sababtoo ah , wadadaas hadii lagga dhigo mid ganacsi oo baabuurta waxoogay mushqaayadda la saaro , waxay noqon kartaa mid is bixin karta oo lagga faaidi karro macaash .
Si kastaba ha ahaatee , Hargaysi waxay u baahan tahay Hal-abuur iyo hagar-bax , hal-abuurkaygana waan ugu deeqayaa mar walba
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!