Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Abaal Marin Cusub Oo Ay Sanad Kasta Bixin Doonto Iyo Wariye Loogu Magac Daray

0
Tuesday July 16, 2019 - 16:49:21 in News by
  • Visits: 2749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Abaal Marin Cusub Oo Ay Sanad Kasta Bixin Doonto Iyo Wariye Loogu Magac Daray

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Abaal Marin Cusub Oo Ay Sanad Kasta Bixin Doonto Iyo Wariye Loogu Magac Daray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Abaal Marin Cusub Oo Ay Sanad Kasta Bixin Doonto Iyo Wariye Loogu Magac Daray


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay abaal marin cusub oo ay sanad kasta bixin doonto.


War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladu ay

Wasaaradda Arrimaha dibeda ee dowlada Somalia ayaa shaacisay iney bilaabeyso bixinta abaal-marin cusub oo loo bixiyey (Hodan Naleyeh Award).

Related image


"Iyadoo la xurmaynayo nolosha hal abuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumada Somalia waxay bixin doontaa Insha allah Abaal-marinta Hodan Nalayeh)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda.


Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in sanad kasta abaal-marintan la siin doono qof ka tirsan qurba joogta Soomaaliyeed oo wax muuqda u qabtay bulshada.


Hodan Naaleeye waxay ka mid aheyd dadka fara ku tiriska ee Qurbaha ka yimid oo soo kordhiyay hal abuur lagu xoojinayo Nabadda, wacyigelinta bulshada, horumarinta dhulka Soomaalida, soo bandhigida bilicda dalka iyo nolosha dadka reer miyiga ee dhulka Soomaalida, sidoo kale waxay aheyd howlkar sama fale ah oo soo gudbisa dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka jira guud ahaan dalka.


Hodan Naaleeye iyo seygeeda ayaa ka mid ahaa 26 qof oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Juboland.


Image result for hodan naaleeye

Loading...
Loading...