KALSOONAADA

0
Saturday July 27, 2024 - 10:34:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KALSOONAADA

    In kastoo Galili uu ku qasbanaa inuu la jaan qaado..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In kastoo Galili uu ku qasbanaa inuu la jaan qaado..


Sannadku markuu ahaa 1632-kii, Galileo Galilei wuxuu hor istaagay Maxkamadda Vatican-ka ee Rome isagoo lagu cedaynayo faasiqnimo! Waxa uu qaatay aragtida Nicolaus Copernicus, ee oraneysa dhulku maaha udub dhexaadka koonka, iyo inuusan dhaafsaneyn meere ku wareega Cadceedda.


Si adag buu difaacay! Laakiin maxkamada oo ay ku dhanyihiin u garsoorayaasheeda, suufiyadeedii iyo culimadeedii, waxay garawsn waayeen xaqiqadan cilmiyeed ee carruurta fasalka koowaad ee dugsiga hoose maanta og yihiin, Galilina waxaa loo kala doorimaadiyay laba arrimood: Inaa ka laabto warkaan gaalnimada ah, ama isagoo nool la gubo!.

Wuxuu door biday inuu ka noqdo hadalkiisii, laakiin kolkuu ka baxay qolka maxkamadda, ayuu cagta dhulka ku dhuftay, oo yiri: weysa wareegeysaa!

In kastoo Galili uu ku qasbanaa inuu la jaan qaado maxkamadda si uu uga baxsado karbaashka, oo uu ku adkaysto inuu dhulku wareego, kuwo kale ayaa kalsoonidaas kala wadaagay dhinacyo kale ha yeeshee aan cidna la jaan qaadin, inkasta oo aanay la kulmin hanjabaad nolosha lagu gubo, haddana waxa lagu xisaabtamayay sida ay uga quusteen inay
fikradahooda caddeeyaan!

Dr. Barry Marshall wuxuu yiri: Qof kastaa wuu iga soo horjeeday, laakiin waxaan hubay inaan ahay ka kaliya ee runta haystay!

Sannadki 1998-kii, Barry Marshall wuxuu ogaaday in jeermiska caloosha (H.Pylori) uu sabab u yahay boogaha, balse qof kastaa wou ku qoslay, waxa kale ma sameyne marka hore wuxuu dawo u sameeyey boogaha isaga oo aan wax qaliin ah samaynin, kadibna wuxuu liqay jeermiskii, Wuxuna sugay ilaa ay nabar caloosha kaga dhufatay, dawada

uu alifayna buu qaatay, wuuna ka bogsaday, si buuxda ayuuna u bogsaday, sidaas ayuuna ugu guulaystay inuu qof walba aamusiyo, oo uu ku guuleestay mid ka mid ah xaaladihii isku-kalsoonaanta ee ugu yaabka badnaa taariikhda!.

Waxba wax baa keenee, Dr. Donald Unger wuxuu rumaysnaa in faraha juciska aysan keenin caabuqa ku dhaca xubnaha, sida dhakhaatirtu aaminsan yihiin, lixdan sannadood ayuu waday inuu juciyo faraha gacantiisa bidix, ka dib waxa uu ka codsaday dhakhaatiirta inay baaritaan ku sameeyaan labadiisa gacmood, si ay u caddeeyaan inuu saxan yahay, kalsoonidaas ayaana keentay inuu ku guuleysto abaalmarinta Nobel Prize ee Daawooyinka 2009-kiil

Waxay ila tahay in fikraddaasi timid, hadal badanina aanuu ka dhigeynin wax cad, si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa marar badan dhacda in ra'yiga shaaca uu qald noqdo, oo bulshadu qaadato fikrado khaldan, halka shaqsi aan taageera laheynna heysto fikrad sax ah!

Waa run in qofku dib u eegis ku sameeyo fikirkiisa haddi ay ka soo horjeedaan sulshada, oo uu sugo in uu ku dhawaaqo oo aanu si barcedh ah u soo bandhigin, laakiin dhinaca kale dulqaadku macnahiisu maaha in uu quusto oo la qabsado bulshada qaldan, balse waxa ay la macno tahay in aad tijaabiso fikradan ilaa aad ka hubsato,

waagaas baad ku dhegtaa fikirkaaga hana hoganin, xasuusnaw inay jiri jirtay aan aduunka lagu arag cid Rumeysan Ilaahay kaliya oo aan ka aheyn Nabi Ibraahim -CSW-!.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...