Xukuumadda oo ku Bogaadisey Golaha Deegaanka Liverpool dib u Aqoonsiga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland

0
Saturday July 27, 2024 - 08:18:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo ku Bogaadisey Golaha Deegaanka Liverpool dib u Aqoonsiga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland

    Marka ugu horreysa, waxaan si kal iyo laab idiinka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka ugu horreysa, waxaan si kal iyo laab idiinka...



Xukuumadda Somaliland ayaa ku bogaadisey Golaha Deegaanka Liverpool ee dalka Ingiriiska dib u aqoonsiga madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland.


 

Sidoo kale, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Somaliland Md. Cabdi Cabdillahi Xirsi Dayaxweerar ayaa ayaa u mahadceliyey Shukri Jaamac iyo xildhibaanada si joogto ah ugu ololaleeyey dib-u-aqoonsiga Somaliland



 

Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi Xirsi Dayaxweerar ayaa bogaadiyey talaabada golaha Deegaanka Liverpool ugu codeeyeen dib-u-aqoonsiga Somaliland


 

khudbad uu ka jeediyey munaasibadii ayuu uugu mahadceliyey marwo Shurgi Jaamac oo si weyn uugu ololeysay in talaabadani hirgasho iyo xildhibaanada labada xisbi ee wadajirka ugu codeeyeen dib u aqoonsiga Somaliland, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa…


 

Mudanayaal iyo marwooyin,

 

Waxay ii tahay mahadnaq iyo sharaf inaan maanta idin hor imaado anigoo ku hadlaya magaca Somaliland iyo madaxa xafiiska Somaliland ee Ingiriiska.


 

Marka ugu horreysa, waxaan si kal iyo laab idiinka mahadcelinayaa xildhibaanada golaha Deegaanka Liverpool ee isku-dhafka xisbiyada, gaar xildhibaanka Lucille Harvey, xildhibaan Tricia O’brien iyo bulshada Liverpool sida weyn ee ay u taageereen mooshinka aqoonsiga Somaliland.


 

Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo taageerada ololaha uu ka qaadatay xisbiga Liverpool iyo xildhibaan Jim Johnson & xildhibaan Paula Barker iyo sidoo kale xildhibaanada goleyaasha Sheffield, Cardiff, Birmingham, London ee Tower Hamlet.


 

Mudaneyaal, magaalada Liverpool waxay ahayd marwalbana ku taalaa qalbiyadeena. Sidaad wada ogtihiin, soo-galootiga ugu horreeyay ee Somaliland uu yimi magaalada Liverpool qarnigii 19aad oo badmaaxiin ahaa.


 

Waxaan sidoo kale ugu mahadcelinayaa Shukri Jaamac ololaheeda joogtada ah ee dib-u-aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland.

 

Loading...
Loading...