Ingriiska oo loogu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

0
Saturday July 27, 2024 - 08:15:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingriiska oo loogu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

    Xoghayihii hore ee Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayihii hore ee Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson ..


Xoghayihii hore ee Gaashaan-dhigga dalka Ingriiska Gavin Williamson ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha dibadda UK David Lammy, inuu dhegaysto baaqyada la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixin dheer uu Wargeyska caanka ah ee The Independent ee dalka Ingiriisku ka qoray aqoonsiga Somaliland ee ay ku dhawaaqeen shalay golaha deegaanka ee magaalada Liverpool ee dalka Ingiriisku.



 

Xoghayihii hore ee Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson isla markaana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku boorriyay Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkiisa inuu aqbalo dhawaaqyada aqoonsiga Somaliland ee ka soo yeedhaya qaybo ka mid ah dalkaas oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in Ingriisku qaado siyaasaddii uu ku ictiraafi lahaa Somaliland.


 

Xildhibaan Gavin Williamson waxa kale oo uu ammaanay go’aanka golaha deegaanka Liverpool ku aqoonsadeen Somaliland.


 

Maayarka Liverpool Richard Kemp, ayaa sheegay in golaha deegaanka Liverpool ay si aqlabiyad ah u ansixiyeen inay aqoonsadaan madaxbannaanida Somaliland oo hore u ahaan mid Ingiriisku ilaalin jiray, waxaanu tilmaamay inay u ictiraafeen dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Taasi oo ay ku farxeen wakiilka Somaliland u fadhiya UK iyo qurbo-jooggooda degan magaalada Liverpool-ba


 

Sidoo kale, waxa wargeysku soo xigtay xafiiska qurbajoogga ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ku diirsaday tallaabada golaha deegaanka ee Liverpool ku aqoonsadeen JSL, waxana ay sheegeen in arrintaasi ay ku ammaanan yihiin Wakiilka Somaliland iyo jaaliyadda degan Liverpool.


 

Wargeyska The Independent wuxuu tilmaamay in Itoobiya noqon doonto dalkii u horreeyay ee Afrikaan ah ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay wada galeen heshiis is faham oo marin baddeed ay Somaliland ka kiraynayso Itoobiya si ay uga samaysato saldhig millatari oo badda ah.

Loading...
Loading...