Sida abwaankani suugaan ugu cabbiray Muqdisho isaga oo aan weligii tegin iyo waxa uu la kulmay markii uu tagay

0
Friday July 26, 2024 - 09:54:55 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida abwaankani suugaan ugu cabbiray Muqdisho isaga oo aan weligii tegin iyo waxa uu la kulmay markii uu tagay

    Abwaan da'yar Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, oo ku magac dheer (Fiili)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan da'yar Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, oo ku magac dheer (Fiili)




Tiro ahaan ma yara heesaha ama suugaanta lagu ammaano gobollada dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, hase yeeshee waxa ay gudbiyaan farriimo iyo aragtiyo kala duwan.

 

Hal abuurrada inta badan sameeya erayada wadaniga ah waa kuwo aan looga sheekeeyn ama sawir guud oo kaliya aan ka heysan Soomaaliya, balse og oo indhahooda ku arkay waaqiciga jira.

 

Abwaan da’yar Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, oo ku magac dheer (Fiili) ayaa sameeyay mid kamid ah heesaha ugu saameynta badan sanadihii lasoo dhaafay ee loo qaaday magaalada Muqdisho waliba isaga oo aan weligii tegin caasimadda.

 

Erayada heesta waxaa kamid ah:

 

Muqdisho nabadaan jeclaa

 

In aan mar kusoo nastee

 

Nasiib wey keenay Xamar

 

Nagaasho dadkoo kujira!

 

Balse waxaa is weydiin mudan in abwaanku uu heesta ku yiri, "Nasiib wey keenay nagaasho dadkoo kujira”, iska oo aan tegin.

 

Isaga oo BBC-da la hadlaya ayuu sharraxaad ka bixiyay in erayada heestu ay waxyar iska bedeleen markii uu caasimadda soo caga dhigtay.

 

"Aniga oo Jigjiga jooga ayaan jecleystay in aan sameeyo heestan, markii hore waxa ay ahayd, Muqdisho nabadaan jeclaa in aan mar kusoo nastee noloshaay mar i gee bal xamar, hase yeeshee Qamar oo ah fannaanka ku luuqeeyay iyo anigaba waxa aan beddelnay heestii kaddib tegitaankeenni Xamar”, ayuu yiri abwaan Fili.

 

Curiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in heesta uu kusoo daray gobollo kale sidaana ay kusii ballaaratay.

 

Fannaanka heesta ku luuqeeyay ee Qamar Suugaani oo isna markaa bandhig faneed kulahaa Muqdisho ayaa shacabka caasimadda hadiyad uga dhigay heesta oo uu ku laray codkiisa.

 

Abwaan Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo ku magac dheer (Fiili), waxa uu ku dhashay xero qaxooti oo ku taalla dowlad deegaanka Soomaalida, waxa uu ku barbaaray magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxana uu waxbarashiisa ku qaatay magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida.

 

Waxa uu curiyay qaar kamid ah heesihii ugu dambeeyay ee ay ku kala luuqeeyeen fannaaniin dhowr ah sida, Saalax Sanaag, Xasan Gantaal, Suldaan Seeraar iyo princess Istaahil.

 

Xasan Gantaal ayaa ku luuqeeyay heesta halku dhiggeedu yahay ‘Dhulkaygan ku ahay nabad’ ee lafteedu uu curiyay abwaan Fiili.

 

Abwaanku waxa uu heestan sameeyay xilli uu ku sugnaa Muqdisho isaga oo markaa la haysta nolosha caasimadda oo ayba tahay markan in uusan sawir guud oo kaliya ka heysan Soomaaliya balse uu dhex muquuranayo.

 

Erayadeeda waxaa kamid ah:

 

Nabaddaan lac dhahayaa

 

Nafta dhiirri gelisoo

 

Geyigaan ku dhaataa

 

Waa dhaxal awowgey.

 

Kaama dhiman dhulkaygow

 

Kuuma dhiibi karo cadow

 

Kuma dhaafsan karo maal

 

Wanku dhowranayaa.

 

Dhulkaygan ku ahay nabad

 

Kuna helay dhameys nolol

 

Mana jiro wax iga dhiman

 

Oo aan u dhoofaa.!

 

Isla hees kale oo Iyana ay ku luuqeysay fanaanadda Princess Istaahil isla markaana uu curiyay abwaan Cabdiraxmaan Fiili ayuu ku yiri:

 

Naftu meeshey jamatiyo

 

Xamartaan jeclaa baan

 

Ku jaaheeyay maankoo

 

Nabad baan ku joogaa.

 

"Heesaha dalka aan u sameeyay dabcan wey igasoo maaxdeen, mar waliba waxa aynu arki jirnay sawirro aan habbooneyn iyo warar laga naxo oo lagasoo teginayo caasimadda dalka ee Muqdisho, hase yeeshee marka aan imid waxa aan arkay waxaas oo dhan wax ka duwan”, ayuu yiri abwaan Fiili.

 

Waxa uu sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo ay ku noolyihiin dad wanaagsan magaaladuna ay tahay mid qurux badano o nolol wanaagsan leh.

 

Mar uu ka jawaabayay sababta keentay in erayadan uu curiyo isaga oo maqan iyo isaga oo dalka joogaba ayaa waxa uu yiri, "anigu waxa aan kamid ahay dadka aaminsan in hal abuurka lagu beddeli karo ama uu hiil u noqon karo jiilka iyo qarankoodaba”.

 

Abwaan Cabdiraxmaan Fiili sidoo kale waa qoraa sameeya filimada iyada oo lagu xusuusto in uu lahaa kaalintii qoraanimo ee ugu sarreysay ee taxanihii Arday.

 

Sidoo kale waxa uu BBC-da u sheegay in uu haatan ku howllanyahay mid kamida filimadii ugu wakhtiga dheeraa uguna saameynta badan Soomaalida oo uu sheegay in uu dhowaan soo bixi doono.


Loading...
Loading...