Maxay Is-Bahaysiga Askarta " Xaafad-Tooyadda" Iyo Faysal Zaad Kala Faa'iidayaan ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday July 25, 2024 - 21:42:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Is-Bahaysiga Askarta " Xaafad-Tooyadda" Iyo Faysal Zaad Kala Faa'iidayaan ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Anba Waan Tukubayaa, Tiir Baan Cuskanayaa, Haygu Tiirsan Laangadhe!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Anba Waan Tukubayaa, Tiir Baan Cuskanayaa, Haygu Tiirsan Laangadhe!
No description available.

Waa hor dhace, Qudhmoye iyo Ucid, waxa dhiiga ku kariyey oo ay xanuun aan dawo lahayn ka qaadeen Is-Bahaysiga Kaah Iyo Waddani, ee bal qoraalkan dhamayso, oo fahan heshiis-koodda waxa salja u ah. Maah-maah baa ahayd " Xabaal iyo Ninkeed Loo Kala Teg). Ummad yahay waxad arkay-seen laba uu " Gorayggii ka hadaafay" waa 2da Askari iyo Faysal Zaade, oo qaadaaya heestii ay eryadeedu ka mid ahayeen " Geri-go'an cildaan cidan garab-sadiyo gacal ii dhawayn gabal maygu dhacay" Baa ilayn waa maskaxihii aynu naqaanaye is yidhi wax baad isku biirin kartaan, nasiib darrad se haysataa waxay la mid tahay " Gorayaddii gabalku ugu dhacay "Bankii Giriyaad" ee meel dabaysha gasho iyo dugsi ay foodda saarto mid-na wayday, dabeed habsatay gegi banaan, oo ka dib-na warwer u dhamaaday ah " Tolaw goormaa bahal kugu soo bixi. Ilayn habeenkii wax si wacan uma argato, oo waxay leedahay habeeno, waana sababta aanay u socon una cararin habeenkii ee loogu yidhi maah-maahadda sare ku taal. Iyaba waa yaabe Faysal Zaad kii caagadda laabta kaga garaacay, ee hooyaddii Macaan ku caayey buu dadnimo xumaan-tiisa isu dhiibay, xumaan-taas wuxu'se ka doorbiday hunguri ( Allaa-Kariim), Iimaan Allaa uur buusha.


Akhristaw is-bahaysiga 2da Askari iyo Faysal Zaad waxay ay isku kordhina-yaan baaba iska yar, waayo mid-na wax Islama hayo ee damiir ay ku dareemaan xaala-doodda baanay lahayn, waa mid faaruq ah iyo mid aan lagu soo dhawaan, markaa waa oodiin rogan arin-koodu. Waxay ka dhigan yihiin labaddii nin ee naafadda ahaa, ee uu mid-ba ka kale taageeradda biday, iyakoo aan wax-ba isku tari karin ee ay dar Alle u cuslaysay mid walba tiisu, kuwaas oo uu Abwaan Hadraawi ( Rabbi haw naxariistee) Gabay inoogu sawiray labadaas qof mid-ba tiisa u bes u yahay, iska daa taageero iyo gacan ay isi siiyaane.

Abwaanku isagoo murti inoogu fasilaaya sheekadda dhex martay,waa nin Curyaan ah iyo mid ul ku boodaaya'e, baa wuxu ka dhex sameeyey xikmadan soo socota iyaka oo isla hadlaaya, wuxuuna yidhi sidatan " Anba Waa Tukubayaa, Tiir Baan Cuskanayaa, Haygu Tiirsan Laandhae". Ujeedo iyo haataatan, waxan ku soo xidhay maqaalkan, ma jirto wax midkood-na uu ka kale u soo kordhinayaan karaa ama isku tari karaan, waayo ma hayaan meel ay ka soo noqdaan, cid ay wataana hadal-koodda daa. Waxana ay ku heshiis yihiin in Askarigu uu Faysal Zaad cad quudheedkii uu u tuuri jirey ugu fara laabo, si uu macfalaada iyo xafaladaha kaga caayo Musharaxa Cirro iyo Gudoomiye Xirsi, taas oo aanu wax-ba kaga qaadayn wakhtigan, taas bedel-keedana uu u kala qaybiyo Beel weynta Garxajis, xajaaja-daas oo aan walhtigan lagu jiro aan dhici karin. Ugu dambayn mid-na tolkii ma watee iyaa kale u foodaaya, kuwan daadka baa qaaday. Oo way ina daayeen.

* N.B Anba Waan Tukubayaa, Tiir Baan Cuskanayaa, Haygu Tiirsan Laangadhe!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...