DEG DEG Dhacdo yaab leh oo Borama ka dhacday kadib markii ilmo yar lagu riday

0
Thursday July 25, 2024 - 21:02:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Dhacdo yaab leh oo Borama ka dhacday kadib markii ilmo yar lagu riday

    Ciidanka Dab-demiska Boorama ayaa lagu soo wargeliyay gurmadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Dab-demiska Boorama ayaa lagu soo wargeliyay gurmadka




Ciidamada Dab-demiska maamulka Somaliland oo gurmad deg-deg ah sameeyay ayaa soo bad-baadiyay ilmo yar oo musqul lagu riday.

Ciidanka ayaa waxa ay ku guuleysteen in ilmahan yar ay ka soo samata-bixiyeen musqusha isagoo mayd ah, waxaana ay geeyeen Isbitaalka weyn ee Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Sidoo kale ciidamada ayaa farriin culus u diray shacabka Somaliland waxayna ka codsadeen inay lasoo xiriiraan, haddii ay dareemaan xaalad halis ah.

Ciidamada Dam-demiska ayaa qoraal ay kaga waramayaan sida u dhacay howl-galkaasi samato-bixintu waxay soo dhigeen bartooda Facebook-ga, wuxuuna u dhignaa sidan:-

"Boorama- Ilmo yar oo Musqul lagu Riday oo Ciidamada Dabdemisku Musqul ka soo saareen isagoo Mayda.

Ciidanka Dab-demiska Boorama ayaa lagu soo wargeliyay gurmadka Ilmo yar oo lagu Riday Musqul kuna taalla Xaafada Jarka ee degmada Sheekh Cabdisalaan.

 

Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku Maydka Ilmahaa yar ka soo saareen Musqushaas.

Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar Maydkiisii geeyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Boorama.

Ciidanka dab-demiska wuxuu uga digayaa dadka falalka noocana ku kaca in sharciga la marin doono kana waantoobaan falalkaa arxan daradda ah.

Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel.”.


Loading...
Loading...