Siyaasiga maanta jooga. Sheeko gaaban oo xikmad leh . (CaliBiixi)

0
Thursday July 25, 2024 - 19:25:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga maanta jooga. Sheeko gaaban oo xikmad leh . (CaliBiixi)

    Waa siyaasiga maanta jooga iyo sida uu u fekeraayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa siyaasiga maanta jooga iyo sida uu u fekeraayo.



Nin gaadhi qurux badan wata. ,
Oo xaragoonaaya, ayaa meel miyi ah ugu tegey,
Oday reer miyi ah oo adhi la jooga fara badan.


Waxa uu ku yidhi :
Hadii aan tirada adhigaaga kuu sheego, neef ma I siinaysaa?

Odaygii ayaa ugu jawaabay:
Hadii aad saxdo
(Haa) .

Ninkii ayaa inta uu Telephone kiisii la soo baxay
Wax ku qorqoray.

Kadibna waxa uu yidhi:
Waa 321 -tan neef.

Odaygii ayaa ugu jawabay: waa runtaa.

Ninkii Neef ayuu soo qabsaday oo ku ritay gaadhiga xagiisii danbe
Isaga oo faraxsan.

Odaygii ayaa ku idhi:
Hadii aan kuu sheego,
Waxa aad ka shaqeyso,
Neef kaygii ma ii soo celinaysaa?

Ninkii oo la yaaban odaygan hadalkiisa: ayaa ugu jawaabay;
Haa .

Odaygii ayaa ku yidhi: waxaad tahay siyaasi.

Ninkii oo ka yaabay odaygan reer miyiga ah iyo garaadkiisa, ayaa ugu jawaabay:
Haa yee
Maxaad ku garatay?

Odaygii ayaa ugu jawaavay;: qofka siyaasiga ah ayuunbaa ku xisaabtama xoolaha dadku leeyihiin,
Ee aanu isagu shaqeysan.
Isaga oo aan kala garanayn xoolaha adhiga ah iyo Ey-ga xoolaha raaca ee ku dhex jira.

Markaa Ey-gaygii adhiga ii raacaayay, ayaad ku ridatay gaadhigaaga xagiisa danbe,

Ee Ey-gayga ii soo deji.

Waa siyaasiga maanta jooga iyo sida uu u fekeraayo.


Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...