Xasan Sheekh oo la kulmay xubno ka socda beesha caalamka – Muxuu kala hadlay? SAWIRO

0
Wednesday July 24, 2024 - 12:02:07 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo la kulmay xubno ka socda beesha caalamka – Muxuu kala hadlay? SAWIRO

    Shirar looga hadlayo qorshahaas iyo sida dalkoo barwaaqo..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirar looga hadlayo qorshahaas iyo sida dalkoo barwaaqo..


Image

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Mama Keita oo ka tirsan UNECA iyo Mr. George Conway, ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) oo ay weheliyaan khubaro caalami ah.



Wada-hadallada dhexmaray Madaxweynaha iyo masuuliyiintaan ayaa diiradda lagu saaray wajiga saddexaad iyo kan ugu dambeeya ee geeddi-socodka horumarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060 (CV2060) iyo qorshaha istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya, si loo gaaro heerka dakhliga dhexe ee 2060-ka.


Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in CV2060-ku uu noqon doono aasaaska qorshaha isbadalka qaranka iyo qorshayaasha xiga ee dhexe iyo kuwa waaxaha ilaa 2060.


Kulankaas waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka socday golaha dhaqaalaha qaranka Soomaaliya.

Hiigsiga qorshaha qaran ee sanadka 2060-ka waa mid baaxad leh, sida ay marar badan sheegtay dowladda Soomaaliya.


Shirar looga hadlayo qorshahaas iyo sida dalkoo barwaaqo ah lagu gaari lahaa sanadka 2060-ka ayaa ka dhacay qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaas oo Soomaaliya ay ka qeyb gashay.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya ayey quburadu sheegaan in muhiim uu u yahay qorshaha hormarka ah ee dunidu hiigsaneyso sanadka 2060-ka .

Image
Image
Loading...
Loading...