PUNTLAND oo markale taariikh qoreysa – Maxaa dhacay maanta? (Sawirro)

0
Tuesday July 23, 2024 - 17:22:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PUNTLAND oo markale taariikh qoreysa – Maxaa dhacay maanta? (Sawirro)

    Bulshada rayidka ayaa si weyn ugu bogaadisay maamulka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada rayidka ayaa si weyn ugu bogaadisay maamulka d



Waxaa saaka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal looga dareeray saaka doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka Puntland.

 

 

 

Sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC doorashooyinka ayaa ka dhacaya 80 goobood oo ka kala tirsan saddexda degmo ee gobolka Nugaal.

 

 

 

Waxaa codeynayaan in ka badan 64 kun oo qof oo kala xulanaya 431 musharax oo ka kal socda siddeed xisbi siyaasadeed.

 

 

 

Doorashada doorashada ayaa waxaa si dhow ula socda korjoogtada caalamiga oo booqday qeybo ka mid ah seejooyinka cod bixintu ka socoto.

 

 

 

Maamulka Puntland ayaa horey u qabtay doorashada 33 degmo oo golaha deegaanka ah, iyadoo saddexdan degmo ay noqonayaan kuwii ugu dambeeyay.

 

 

 

Bulshada rayidka ayaa si weyn ugu bogaadisay maamulka doorashooyinka noocaan ah, maadaama tallaabo horumar leh loo qaaday dhanka dimquraadiyadda.

 

 

 

Si kastaba, Puntland ayaa markii ugu horreysay bartamaha sanadkii hore qabatay doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayeen dadweynaha Soomaaliyeed, iyadoo doorashada maantana xujo kale ku noqon doonto maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.



Loading...
Loading...