Maxay yihin 'carabta' ka shaqaynaysa dib u doorashada Trump?

0
Tuesday July 23, 2024 - 08:39:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay yihin 'carabta' ka shaqaynaysa dib u doorashada Trump?

    Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Trump uu doonayo inuu ku soo..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Trump uu doonayo inuu ku soo..



Magaca Alina Habba, oo ah qareenka iyo afhayeenka dhanka sharciga ee madaxweynihii hore ee Donald Trump, ayaa dhowaan si weyn u soo shaac baxay ka dib markii Trump uu u xil saaray door cusub oo ololihiisa doorashada ah, kaas oo ah in uu umagacaabay lataliye sare oo ololaha doorashada ah, iyadoo rajaynaysa inay ka caawin doonto inuu guulaysto oo uu hirgelo qorshishiisa dib ugu laabashada Aqalka Cad.

 

Waa kuma Alina Habba?

.


 

Alina Habba waxay ku dhalatay New Jersey, USA, waxaana dhalay waalidiin reer Ciraaq ah oo Kaldiyaan, Catholic ah, kuwaas oo ka soo qaxay cadaadiskii Ciraaq ku haysay soona gaadhay Mareykanka horraantii 1980-meeyadii.

 

Habba waxa ay cilmiga siyaasadda ka baratay jaamacadda Lehigh ee gobolka Pennsylvania, ka dib markii ay dhammaysay, waxa ay shaqo ka heshay warshadaha moodada ama xayaysiiska dharka, iyada oo u shaqaynaysay Marc Jacobs, oo ka mid ah shirkadaha caanka ah ee Maraykanka.

 

Laakin waxa ay ku soo laabatay kulliyaddeedii waxbarashada sanado badan oo ay ku jirtay dhina fashion-ka, iyada oo shahaadada sharciga ka qaadatay Jaamacadda Widener.

 

Alina waxay si kooban ula shaqaysay Maxkamadda Sare ee New Jersey Garsoore Eugene Cody Jr., ka dibna waxay ku shaqeysay sharciga dhowr sano, kaddib intaysan bilaabin shirkaddeeda sharciga sannadkii 2020.

 

Sannadkii 2021, iyada oo ah hooyo saddex carruur ah leh ayaa ay ku biirtay kooxdii sharciga ee madaxweynihii hore ee Donald Trump waxayna si degdeg ah ugu guulaysatay ammaanta Trump ka dib markii ay ku qasabtay Summer Zervos inay joojiso kiiskeedii xadgudubka galmo ahaa ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore.

 

Alina ayaa ay sida oo kale ammaantay gabadha Trump ku tilmaantay ay wada socdaan taas oo ku tilmaantay "saaxiib" shirkii xisbiga Jamhuuriga ee Khamiista, ABC News ayaa sheegtay in lagu siinayo in ka badan 3.5 milyan oo doolar shaqadeeda ololaha ee Trump.

 

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Trump uu doonayo inuu ku soo dhawaysto codbixiyayaasha Carabta ee ku nool Mareykanka isagoo magacaabay la taliyeyaal asal ahaan ka soo jeeda Carabta.

 

 

Waa kuma Masoud Boulos?

.

 

Ma ahan oo kaliya Alinna Habba dadka kale ee ka soo jeeda asal ahaan carabta ee in Trump uu doonayo in uu ku gaadho cod-bixiyayaasha Carabta ah, waxaa kae oo madaxweynihii hore ee Mareykanka uu u magacaabay wiilka uu soddogga u yahay, ganacsadaha Mareykanka ee asal ahaan ka soo jeeda Lubnaan, Massad Boulos, inuu noqdo lataliye kale oo ka mid ah kuwa ololihiisa doorashada.

 

Saxaafaddu waxay Paul ku tilmaantay "mid ka mid ah farriimaha Trump uu u diray Carabta Maraykanka."

 

Massad Boulos waxa uu ku dhashay Lubnaan, isaga oo dhalinyaro ah waxa uu u guuray Texas oo uu ka galay Jaamacadda Houston halkaas oo uu ka qaatay Ph.D.

 

Markii uu qalin-jabiyey, Paul wuxuu ku biiray maamulka shirkad gaar ah oo qoyskoodu leeyahay, oo ka shaqaysa gawaadhida.

 

Waxaana la arkay dhawaan isaga oo Trump kala qayb galaya shirweynaha xisbiga Jamhuuriga ka dib markii loo magacaabay inuu u tartamo madaxweynaha Jamhuuriga.

 

Paul waxa uu qoyska Trump ku biiray markii wiilkiisa Michael uu guursaday Tiffany oo ahayd gabadha ugu yar carruurta madaxweynihii hore ee Maraykanka.

 

Waxa uu hore u sheegay in uu ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed oo Jamhuuri ahaa markii uu ardayga ahaa.

 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, Boulos waxa ay siyaaddiisu sida oo kale la xidhiidhaa dalkiisa Lubnaan, isaga oo ku guul darraystay inuu u tartamo kursi baarlamaan sannadkii 2009-kii.

 

Waxa kale oo uu isku tilmaamaa inuu yahay "saaxiib” ka Suleiman Franjieh, oo ah siyaasi xulafo la ah Xisbullah.

 

Sida laga soo xigtay Detroit Free Press, bishii May ee la soo dhaafay, Massad Boulos oo ka tirsan Michigan iyo wiilkiisa Michael, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Trump, ayaa la kulmay 40 qof oo u ololeeya Carabta-Maraykanka oo ka kala yimid gobollada dalka.

 

Dadkii ka soo qeyb galay kulanka oo ka dhacay maqaayad Talyaani ah oo ku taal xaafada Detroit ee magaalada Troy ayaa waxaa ka mid ahaa dhaqtar Suuriyaan ah oo Mareykan ah Dr. Yahya Pasha, kaasoo lacag ugu deeqay ololihii doorashada Mareykanka ee 2020 Joe Biden, isagana sidoo kale u codeeyay. .

 

Afhayeen u hadlay ololaha Trump ayaa u sheegay Fox News wakhtigaas in inkasta oo aanay dhacdadani ahayn mid rasmi ah, ay sii wadi doonaan inay la xidhiidhaan cod-bixiyayaasha Carabta-Maraykanka.

 

Carab badan ayaa Trump u arka in u uku guulaystaay xasilinta siyaasaddiisa ku aaddan waddammada Bariga Dhexe.

ISHA BBC/SOMALI

Loading...
Loading...