"Caanimada Dhiciska ah Dhinac kale ka eeg eeg" Ayaan Kaaba

0
Monday July 22, 2024 - 16:47:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Caanimada Dhiciska ah Dhinac kale ka eeg eeg" Ayaan Kaaba

    Dhar miyaanay kuu galin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhar miyaanay kuu galin

Miyaan Hooyo dhawrsoon
Jacayl aanay kugu dhalin

Dhabta maanay kugu qaban
Dhib miyaanay kula marin


Dhar miyaanay kuu galin

Maxaa huunno kugu dhacay?
Miyaan edeb laguu dhigin

Xishood dhawrso lagu odhan
Dumar maanay kula dhalan

Dhaxdin maanad doonayn
Haween maanad dhalahayn

Mise dhoohanaad tahay?
Haddaad adigu dhiman tahay

Oo aanad dhaqan iyo
Waxba aanad dhawrayn

Miyaan qaar ku dhaammiyo
Saaxiibbo kuu dhawi

Ceebtaadu dhibahayn?
Aan kuu dhammeeyoon

Kuu dhiibo taladee
Hooyada dhaliisheed

Waxba lagama dheefee
Caannimada dhiciska ah

Dhinac kale ka eeg eeg!

Ayaan Kaaba

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...