Guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland, ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiyaha hay'adda Caymiska Qarank Somaliland.

0
Monday July 22, 2024 - 11:48:16 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland, ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiyaha hay'adda Caymiska Qarank Somaliland.

    Dirawaliinta Bajaajta waanu wareysanay waanu soo xareynaynaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dirawaliinta Bajaajta waanu wareysanay waanu soo xareynaynaa



Guddoomiyaha hay’adda caymiska Somaliland Mudane Guuleed Muuse Galaal, ayaa guddida joogtada ee golaha guurtida warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka siiyay hawlaha ay Qaranka masuullka uga yihiin, waxaanu sheegay inay daraasad ku sameeyeen waxyaabaha sababa in shilalka gaadiidku dalka ku soo bataan, isla markaana ay muddooyinkii u danbeeyay ay ka hay’ad ahaan ka shaqaynayeen badqabka gaadiidka iyo shacabka u kala goosha gobollada iyo degmooyinka dalka, sidii loo ilaalinlahaa badqabkooda.

 

Guddoomiye Galaal waxaa uu sigaar ah u xusay in shilalka gaadiidku jidadka magaalooyinka Berbera iy Burco.

 

Geesta kale waxa uu sheegay in wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ay kawada shaqeeyaan sidii hoos loogu dhigilahaa xawaaraha ay ku socdaan gaadiidka u kala gooshaya gobollada iyo degmooyinka dalka, iyada oo lagu xidhayo qalabka loo yaqaano GPRS.

 

Dhanka kale waxa uu si qoto dheer uga hadlay qaabka ay u shaqeeyaan hawlaha caymiska gaadiidka kala duwan ee bulshada u adeegana, waxaanu xusay in muddooyinkii u danbeeyay ay dalka ka wadeen olole ku wajahan sidii nidaamka caymiska ee Somaliland.

 

Guddoomiyaha hay’adda caymiska Qaranku waxa uu shaaca ka qaaday in wasaaradda gaadiidka ay ka dalbadeen ina la joojiyo gaadiidka yar yar ee Bajaajta, waxaanu sabab uga dhigey in shilkeedu uu badan yahay.

 

Waxaanu yidhi."Waxaanu aanu wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ka dalbanay inay joojiyaan gaadiidka Bajaajta, sababtoo ah waa waxa ugu xun ee dadka dila, Burco waxa ay dishay 140% sannadkii dhaawaca oo nagaga xun dhimashada, Burco waa 150% dhaawaca, Hargeysa waa kun iyo toddoba boqol, Burco kaligeed waa kun iyo afar boqol dhaawaca, Bajaajta dhaawaceedana lama kaco.

 

Haddii ILLAAHEY yidhaahdo bisha sideedaad kowdeeda, hadda Berbera ayaanu ka bilowney wixii intaas ka danbeeyana Burco ayaanu tageynaa.

 

Dirawaliinta Bajaajta waanu wareysanay waanu soo xareynaynaa marka Bajaajta maalintii waxa laga qaada 8000 shilin, oo wax allaale iyo wax ay tahay aanan garanayn, way noo sheegeen marka lacagta waa in la joojiya, isla markaana ay Caymis ku galaan, 250 dolar oo Caymiska u qoondaysay calaa gaadhi in sannadkii laga qaado ayaa laga qaadaya, wixii dhimasho iyo dhaawac ay keentana Burco waxa aanu ugu talo galnay in ilaa sodon askari oo ciidanka nabadgelyada waddooyinka ah aanu geyno,”

 

Gaba-gabadii guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha hay’adda Caymiska Qaranka Mudane Guuleed Muuse Galaal, warbixinta uu siiyay guddida joogta, waxaanu guddoomiye Dayib xusay in warbixinta ay horgeyn doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo marka goluhu soo noqdo.


Loading...
Loading...