Natiijada Ka Soo Baxday Dedaalo Diblomaasiyadeed Oo Dawlada Itoobiya Samaysay

0
Monday July 22, 2024 - 11:08:06 in News by Abdi Good
  • Visits: 2686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Ka Soo Baxday Dedaalo Diblomaasiyadeed Oo Dawlada Itoobiya Samaysay

    Natiijada Ka Soo Baxday Dedaalo Diblomaasiyadeed Oo Dawlada Itoobiya Samaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijada Ka Soo Baxday Dedaalo Diblomaasiyadeed Oo Dawlada Itoobiya Samaysay

Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa ay guulo dublamaasiyadeed oo la taaban karo ka gaadhay ilaalinta danaha qarankeeda sannad-maaliyadeedka Itoobiya ee la soo gebo-gabeeyay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya Nebiyu Tedla oo kawarbixiyay waxqabadka sanadka 2016-ka, ayaa sheegay in Itoobiya ay guulo kala duwan ka soo hoysay dhinacyo badan.

Muddadaas la sheegay, waxaa la geliyay dadaallo badan oo lagu xoojinayo iskaashiga Itoobiya iyo dalalka deriska ah ee ku dhisan dano guud.

Tusaale ahaan, waxa uu sheegay in 12 heshiis la saxeexday oo lagu samaynayo xidhiidhka Itoobiya iyo dalalka jaarka ah ee dhinacyada kala duwan, sida dalxiiska iyo gaadiidka iyo kuwo kale.

Geesta kale, afhayeenku wuxuu sheegay in Itoobiya ay si firfircoon uga muuqato mawqifkeeda iyo mawqifyada kala duwan, go’aamadii laga soo saarayna ay suurtogaliyeen in Itoobiya ay ilaashato danaheeda qaran.

Nebiyu waxa kale oo uu sheegay in booqashooyin dhawr ah oo ay sameeyeen iyo heshiisyo ay saxeexeen madax sarsare sanad miisaaniyeedka si loo sii xoojiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee laba geesoodka ah iyo kuwa badan ee Itoobiya.

In ka badan 71 heshiis, ayaa la kala saxeexday kuwaas oo suurtageliyay in danaha qaranka Itoobiya meel wanaagsan la gaadhsiiyo iyadoo booqashooyin ay ku tageen madax iyo wasiirro, ayuu afhaayeenku sheegay.

Sida laga soo xigtay afhayeenka, ku biiritaanka Itoobiya ee BRICS waa guushii ugu waynayd ee laga gaadho dublamaasiyadda dhinacyo badan leh ee sannad xisaabeedka la soo gabagabeeyay.

Marka la eego maalgashiga, 507 maalgashadayaasha ajnabiga ah waxay sameeyeen booqasho maalgashi ka hor, sida uu sheegay afhayeenku.

Afhayeenku waxa uu sheegay in 18 shirkadood oo wadaag ah la abuuray sanad miisaaniyeedka.

Waxaa intaa dheer, guul diblumaasiyadeed, ayaa laga diiwaan geliyay dhimista deymaha, daaweynta deynta iyo kordhinta muddada bixinta.

In ka badan 114 isku xidh suuq ayaa sidoo kale la abuuray si wax soo saarka Itoobiya loogu soo bandhigo caalamka.

Waxaa intaa dheer, sanad xisaabeedka wuxuu ahaa markii ay Itoobiya soo bandhigtay codsigeeda saxda ah ee ku aaddan helitaanka badda, sida uu xusay Nebiyu.

Waxa kale oo uu taabtay hawlo la qabtay oo lagu ilaalinayo xuquuqda muwaadiniinta Bariga Dhexe, Suudaan, iyo wadamo kale.

In ka badan 40,000 oo qof, ayaa laga soo celiyay wadamo kala duwan, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Suudaan, iyo dalal kale.



Loading...
Loading...