Xildhibaano Iscasilaad Ugu Baaqay Madaxweyne xasan Sheekh

0
Monday July 22, 2024 - 11:05:29 in News by Abdi Good
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Iscasilaad Ugu Baaqay Madaxweyne xasan Sheekh

    Xildhibaano Iscasilaad Ugu Baaqay Madaxweyne xasan Sheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano Iscasilaad Ugu Baaqay Madaxweyne xasan Sheekh


aar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa weerar culus ku qaaday Madaxweynaha maamulkaasi Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu ku fashilmay hoggaaminta Soomaaliya.

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaaXasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu is casilo oo uu tidho dadka iyo dadka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid, ayaa sheegay in sistemkii dowladnimada ee saddexda hay’adood ahaa ee Soomaaliya meesha laga saaray oo dhamaan laga dhigay hal xafiis oo madaxtooyada hoostaga.

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo isna ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhaliilo xoogan u jeediyay Maamulka madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku sheegay inay ka dambeeyaan dagaalada sokeeyo, hubka sharci darada iyo daroogada loo soo tahriibiyo Soomaaliya.

Si kastaba, hadalkan ka soo yeedhay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamse ay wajahayaan culeyso adag oo kaga imanaya Baarlamaanka Soomaaliya.



Loading...
Loading...