Aqalkii Golaha Dhaaftay Iyo Ina Abiiboow,Odayaal Haween Iyo Caruur Awdal Wada Qaaday.

0
Monday July 22, 2024 - 07:47:12 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalkii Golaha Dhaaftay Iyo Ina Abiiboow,Odayaal Haween Iyo Caruur Awdal Wada Qaaday.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


Odayba Ka Maahmaahay Beri,Erayo Soo Gaadhay,

 

Allaylehe Inteedaan Ku Sugay,Aradkan Gaarodi,


 

Ayuu Yidhi Siday Arini Maalinta,Ula Ekoonaatay,

 

Anfariir Amuurahan Socdaa,Waa Af Kala Qaada,



 

 

2-Ana Maan Ka Filahayn Jibriil,Odayga Uu Maagay,

 

Haddii Uu Isaaq Caayilaa,Waan Afgaran Layeh,


 

Amankaag Irdhoowbu Dhigiyo,Oday Ka Sheekeye,

 

Abtirsiimo Ugu Faan Duqiyay,Aammineen Goluhu.


 

 

3-Afkaa Xadda Wixii Kuugu Jira,Uurka Iyo Laabta,

 

Inkastood Adkaysaba,Mar Bay Ooda Soo Jebine,


 

Isma Celiyo Aadmiga Xumaan,Lagu Abuuraayeh,

 

Iblays Kuu Wataan Laga Karayin,Amusiyo Joog.


 

 

4-Ina Geeleh Ololihan Run Wuu,Soo Agaasimay,

 

Inay Gaadhi Mooyee Haddeer,Ways Aroosteene,


 

Abiye Iyo Ina Sheekhna Waa,Eegashiyo Dhawris,

 

Olol Inuu Sudhuu Doonaya,Inan Yar Weeyaane.



 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...