Abdirahman Cirroo Ugu Tabarucay Taxi Askatiga Uu "Xaafad-Tooyadda Kaga Guuro ( Abdi-Shotaly).
* N.B Tol Yar Baa Tawaa-Wacayee, Aniga Tiradaydu Waa Taas!
Allay-Lehe waxaas baa dhoolo-tus ah hadal lama saarnaadee. Shalay waxa cadaatay in Gobolka Doorashadda lagu kala baxayaa uu yahay Gobolka Awdal. Qofkii in uun maskax iyo caqli waxa kaga jiraan, ee aan ahayn sidda askarta faaruqa ah ee "Xaafad-tooyadda" Wixii Boorame iyo Dila ka dhacay wax buu ku qaadan lahaa, mase yihiin 2daa Askari kuwo ku waayo'arkaaya arimaha hortoodda ka dhacaaya. Horaa loo yidhi " Cadceed sacab laguma qarin karo" ee waa tass bishii hor timi maamulkii dayaxiisu dhacay, waxana si badheedh ah loogu sheegay " Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo-Shaaximan iyo kuwa sii daba fadhiya" In 180.000 ee codka Awdal ay dhamaan siinayaan Xusbiga Waddani, waxay qudhmiye u hayaana aanay jirin haba-yaraatee.
Abdirahman Cirro baa shalay ka naxay askari oo indhaha ku hayn kari waayey, isu-soo bixii Reer Awdal au ku muujiyeen cududoodda ( Siiba Dila Iyo Awdal), Cabdiraxmaan Cirro baa ugu tabarucay, in uu Taxi Ugu yeedho askari uu xamaamadda kaga qaato "Xaafad-Tooyadda" Markuu ka yaabay siduu furaasha dhabarka ugu sito ee uu shandadda u laad-laad-sanaayo iyo darxumodda haysata. Siddii Wadaadkii ina Cabdalle Xasan buu hadeer leeyahay " Xagaan Daaroor Ka Raacaa, kanina wuxu qaadayaa " Xageen Isaaq Ka Raacaa Sacad Muuse baa iga dareeraye.
Wuxu yidhi Xil.dhibaan Maxamed Abiib isagoo si rasmi ah ugu dhaadanaaya Tolkii oo is weyn isu babar-taagay " Ninkii Tol Yar Baa Tawaa-wacayee, Aniga Tiradaydu Waa Taas" Waxa kaloo aad arkayseen " kii askariga gacan-yaraha u ahaa ee Geenyo-Shaaximan, oo waraaqaaya, cabaadkii ka dhamaaday, Markii meel uu wax ka qabto garan waayey, ee ay tallo faro ka haaday" Ummaddiiba ( Waa reer Awdale) waxay noqotay ciiddii oo dhaqaaqday iyo daad soo rogmaday, taasi waxay dhalisay in Askari Daba-Dhaqe iyo Ciidan-ku-Sheeggii uu meesha ku sii daabulay ay meel ay wax ka qabtaan iyo wax ay ka sameeyaan mid-na u suuro-geli wayday, xaajo ka dhabaqday, la dul maray ka dib-na ay u baneeyeen khalqigii isugu yimi, fagaarihii la isugu soo baxay, Halkaas oo far waaweyn wax loogu qorey askariggii iyo koox-diisii Jin-Dagaagay Iyo Digsi-Xagato. Bal muxuu Daba-Dhaqe iyo maleeshi-yaadka uu u direy ay ka fulin karaan, maraddii baa ku gubatay, oo waxa khasab ku noqotay in ka hor baydhaan mawjaddii soo dhawaynta u samaynaysay Xil.Dhibaan Maxamed Abiib.
* N.B Tol Yar Baa Tawaa-Wacayee, Aniga Tiradaydu Waa Taas!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...