Degdeg Badan Dawladaydaay,Degenaan Maad Barataan,Inkoon Darka Jiidhin.

0
Sunday July 21, 2024 - 08:07:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degdeg Badan Dawladaydaay,Degenaan Maad Barataan,Inkoon Darka Jiidhin.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

1-Dacwad Aan Soconaynin Ma Deysaan Weligine,Deelqaafka Iska Dhaafoo,

 

Danta Weeye Dalkeenee,Dadkeenuun U Dulqaata,Distoorkeena Xaqdhwra,



 

Duulduul Looga Wanagsan,Dadka Duul Hagaya,Dib Uga Laabta Amarkiina,

 

Duqaynaaya Wakiilkee,Didinaaya Dadkeenanee.Dalabta Laheen Deganayn.


 

 

2-Derbi Baydun Dhistaan,Haddana Waad Dumisaan,Dagaal Baydin Gashaan,

 

Dadkiinuun Ku Dishaan,Doorasha U Jebisaan,Distooru Dalku Leeyahayoo,


 

Duqaydu Ay Kordhiyano,Ay Idiinku Daraanoon,Dabadood La Hadlayninoon,

 

Hal Diidan Aan La Lahayn,Intaad Doontaan Fadhidaan,Dawladaa Magaceed?


 

 

4-Dalkeenano Mid Ahaayo,Dadkiisu Uu Isjecela,Daahir Bay Noogu Danbeeyay,

 

Da’da Iyo Cudurtoona,Cid Baan Diidi Karayne,Axmadna Wuu Ku Dadaalayoo,


 

Duqaasna Door Oday Qaaday,Caafimaad Degdeg Ah,Daayinkeen Ha Siiyeeh,

 

Dawlada Maalintu Dhiibay,Dabkayaa Dheri Saaray,Amaba Daarta Garaacay.


 

 

5-Dunidaan La Helaynin,Dad Dhano Wada Toosan,Dayaxan Nuurka Ku Siiyaa,

 

Gudcur Kaga Danbeyn,Aduunku Ways Daba Joog,Dawadiisa Habaarkana,


 

Ducaday Ku Jirtaayo,Dabiib Bay Noqotaaye,Waxkasto Diidan Tahiinoon,

 

Doonahaynin Naftiinu,Duuduub Maad Ku Liqdaan,Midhahii Daray Weeye.


 

 

6-Daayinkeen Talo Saarto,Dalkeeno Nabad Ah,Dawlad Daacad Ah Haysta.

 

Iskuduuban Dhamaan,Wax Isdiidan Lahayn,Ducaysta Oo Barya Eebbeh,


 

Dulmina Diida Dhamaan,Daaya Oo Cabasho,Kana Dhawra Debnaayoo,

 

Dariiqa Toosana Raaca,Digrigood Badisaan,Idinka Oon Marna Daalin.



 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...