Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey Sabab Uu Xasan Sheekh Khatar Ugu Yahay Amniga Geeska Afrika

0
Sunday July 21, 2024 - 07:28:16 in News by Abdi Good
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey Sabab Uu Xasan Sheekh Khatar Ugu Yahay Amniga Geeska Afrika

    Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey Sabab Uu Xasan Sheekh Khatar Ugu Yahay Amniga Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey Sabab Uu Xasan Sheekh Khatar Ugu Yahay Amniga Geeska Afrika


Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ku baaqay in laga feejignaado dhagaraha ay soo maleegayaan cadawga Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in laga wada tashado cadawga Somaliland.

"Waxa aan leeyahay reer Somaliland hala feejignaado, waana in aynu ka tashano cadawga inagu soo socda, waxaana aan kula talinayaa booliska iyo nabadsugida in la xoojiyo kaantaroolada. waana in diyaar la ahaado cadawgeenu waa diyaar dagaal qorshaysan ayaa laynoo cadaystay”. ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal, ayaa waxa uu tilmaamay in ay khatar ku yahay geeska Afrika hubka maamulka Xasan Sheekh la soo dagay.

"Hubka ay iska soo daldalsheen dawlada fashilantay ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh ,maalintii laga qaaday cunoqabataynta hubka waan ka hadlay, hubka gacanta usoo galay Soomaaliya waxa uu khatar ku yahay meel kasta oo Soomaali joogto iyo Geeska Afrika oo dhan”. ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu u soo jeediyay in laga waantoobo kala qaybsanaanta shacabka la kala dhex dhigayo.

"Waa ceeb in la yidhaahdo reer hebel ayaa xisbi hebel ku soo biiray. dalka ha laga daayo kala qaybsanaanta iyo shisheeyaha loo calan walaynayo, halaga daayo niman kaa yaryar ee Baarlamaanka gacanta inooguma jiraan in dadka gacanta gaadhayso marmarsiyo loo helo xumaanta ay doonayeen khalad weeye,” .ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng,Faysal Cali Waraabe.



Loading...
Loading...