Donald Trump Oo Dib U Bilaabay Ololihiisii Iyo Balanqaad Ka Dhan Ah Muhaajiriinta Oo Uu Sameeyey

0
Sunday July 21, 2024 - 07:14:41 in News by Abdi Good
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Dib U Bilaabay Ololihiisii Iyo Balanqaad Ka Dhan Ah Muhaajiriinta Oo Uu Sameeyey

    Donald Trump Oo Dib U Bilaabay Ololihiisii Iyo Balanqaad Ka Dhan Ah Muhaajiriinta Oo Uu Sameeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Donald Trump Oo Dib U Bilaabay Ololihiisii Iyo Balanqaad Ka Dhan Ah Muhaajiriinta Oo Uu Sameeyey
 Donald Trump oo ka ololeeyay Michigan.


Madaxweynihi hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa Sabtidi shalay dib ugu soo laabtay ololaha doorashada, hal todobaad kaddib marki uu ka badbaaday isku-day dil xilli uu khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa gobolka Pennslvania.


Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha November, ayaa dib uga billaabay ololaha doorashada gobolka Michigan oo ka mid ah gobollada muhiimka u ah doorashooyinka Mareykanka. Waxa Trump markaan ololaha ku wehliyay ninka uu u xushay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeen D.J Vanve.

"Waxay aheyd hal todobaad ka hor, xittaa saacadda iyo xitaa daqiiqadda. Fadliga ALLA dartiis ayaan hortiinna ku taaganahay. Ee halkaan ma joogeen," ayuu Trump ku yiri dadki isugu soo baxay fagaaraha uu ka hadlay.

Toogashadi 13-ki bishi hore ee uu wiil hubeysani isku dayay in uu ku khaarijiyo madaxweynihi hore ee Mareykanka, ayaa aad u gelgishay guud ahaan Mareykanka, iyadoo si isku mid ah loo wada cambaareeyay.

Hal qof ayaa ku dhintay halka saddex kale oo uu ku jiray Donald Trump ay ku dhaawacmeen. Ciidanka ilaalada gaarka ah ayaa dilay qofki weerarka soo qaaday.

Doorashadi madaxtinimada ee sannadki 2016-ki gobolka Michigan ku guuleystay Trump oo in ka badan 10,000 oo cod kaga sarreeyay Hillary Clinton, laakin doorashadi ugu danbeysay ee 2020-ki, waxaa codad dhan 154,000 uga badiyay madaxweyne Biden.

Loading...
Loading...