Gudoomiyaha Kaah Muxuu Ka Yidhi Dareenkii Ay Reer Boorama Ku Qaabileen Xildhibaan Maxamed Abiib?

0
Saturday July 20, 2024 - 21:25:25 in News by Abdi Good
  • Visits: 2351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Kaah Muxuu Ka Yidhi Dareenkii Ay Reer Boorama Ku Qaabileen Xildhibaan Maxamed Abiib?

    Gudoomiyaha Kaah Muxuu Ka Yidhi Dareenkii Ay Reer Boorama Ku Qaabileen Xildhibaan Maxamed Abiib?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Kaah Muxuu Ka Yidhi Dareenkii Ay Reer Boorama Ku Qaabileen Xildhibaan Maxamed Abiib?
No description available.

Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah Maxamuud xaashi cabdi ayaa ka hadlay dareenka ay reer Boorama ku qaabileen xildhibaan Maxamed Abiib oo maanta gaadhay magaaladaasi.


gudoomiye Maxamuud Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi "Saaka waaberigii waxa aan halkan idin kula wadaagay farriin weyn oo aan u arkayey in ay muhiim u tahay nabadgelyada, wecyigelinta bulshada iyo dhiirigelinta jewi dibedbax ilbaxnimo oo aan awal ba uga bartay dadka Reer Awdal. Xaqiiqdu waxa ay tahay in soo dhawaynta iyo dibedbaxa ay sameeyeen Reer Awdal ay tahay mid casharro iyo duruus u reebaysa cid kasta oo hore u aamminsanayd in dadku iyagoo nabad ah, xasilloon, isla markaana garab siinaya ciidamadooda ammaanka, aysan soo banbixi karin, muujin karin shucuurtooda, isla markaana dhaqangelin karin mabaadi'ida dimuqraadiyadda ee cabirista arragtida xorta ah.

Sidaa darteed, caawa waxa aan hanbalyo iyo bogaadin aad u diirran hawada u marinayaa shacabka gobta ah ee Reer Awdal, kuwaasi oo si weyn oo ilbaxnimo leh, darreen waddaniyadeed leh, xilkasnimo iyo lexjeclo balaadhan leh, maanta u soo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Abiib.

Ugu danbayn, waxa aan leeyahay, halganku wali ma dhowa, oo waxa ina saaran mas'uuliyad weyn oo ina faraysa in kuwa hagardaamada, kala dilka bulshada, iyo ku tumashada shuruucda dalka caaddaystay aynu gacmaha qabanno, xukunka dalka aynu gacanta u gelinno cid xilkas ah, iyo in dariiqii saxda ahaa aynu ku soo dabaalno dawladnimada laga duway majaraheedii dhabta ahaa.

Loading...
Loading...