Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo Wajaale Ka Fuliyay Hawl-gal Lagu Kala Sifaynayo Sariflayaasha.

0
Saturday July 20, 2024 - 09:02:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo Wajaale Ka Fuliyay Hawl-gal Lagu Kala Sifaynayo Sariflayaasha.

    Hawlgalnkan ka dib waxa bulshada ku shaqaysata sarifka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalnkan ka dib waxa bulshada ku shaqaysata sarifka



Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim Xuseen Dalmar iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ka fuliyay magaaladda Wajaale hawlgal lagu kala sifaynayo sariflayaasha sharciga haysta iyo kuwa aan sharciga haysan ee magaaladaasi.

 

Intii hawlgalka socday ayaa waxa ay la kulmeen Agaasimaha Baanka dhexe iyo masuuliyiintii la socday sariflayaan aan sharci u haysan sarifka lacagaha, waxaanay ka xereeyeen dhammaan qalabkii ay ku ganacsanayeen.

 

Sidoo kale waxa hawlgalkan ka qayb qaadanayay maamulka degmada tog-wajaale iyo dhamaan laamaha amaanka Wajaale oo iyaguna gacan ka siinayay Baanka dhexe sidii suuqa sarifka looga sifayn lahaa sariflayaasha aan sharciga u haysan inay wax sarifaan iyo sidii qalabka looga xarayn lahaa.

 

Hawlgalnkan ka dib waxa bulshada ku shaqaysata sarifka Wajaale la hadlay maamulka iyo laama amniga Wajaale, waxaanay digniin u direen dhamaan cid kasta oo aan sharci u haysan lacag badelka, kaasi oo ay ugu baaqeen inay ka waantoobaan hawlahaasi.

 

Agaasimaa guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim Xuseen ayaa dhankiisa fariin adag u diray sariflayaasha, waxaana uu ugu baaqay inay ilaaliyaan sharciga iyo qawaaniinta u yaala dhinaca sarifka una hogaansamaan shuruucda ka soo baxaysa Bangiga dhexe ee Somlailand waxaanu yidhi " waxaanu kormeer ku samaynay Suuqa way nee Wajaale, kaasi oo ahaa in talaabo laga qaadi doono, cida dhibaato ku haysa Suuqa isku sarifka lacagaha qalaad, waxa maanta dhibaatada keenayaa waa sarifle aan sharci haysan oo haddana doonaya inuu bulshadii u adeego, taasi oo ay ka iman karayaan dhibaatooyin kala duwan, haddii ay noqoto mid amni iyo haddii ay noqoto mid xumaanta Suuqa ah ama khal-khal galinta habka isku sairka lacagaha.

 

Qoladaasi sariflayaasha oo maanta degmada Tog-wajaale oo ah degmadii ugu badnayd ee ay isticmaalayeen ee ay ka shaqaysanayeen ay ahayd maadaama ay degmo xuduudeed tahay aadna ugu badan tahay isku sarifka lacagaha qalaad, waxa ay gaadhayeen inta aan soo ururinay 70 sarifle, waxaanan u malaynayaa in aanay dhawayn”.


Loading...
Loading...