Wax duminta Iyo Wax dhiska Waa Lagu Kala Wacan Yahay ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday July 20, 2024 - 08:57:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax duminta Iyo Wax dhiska Waa Lagu Kala Wacan Yahay ( Abdi-Shotaly).

    * N.B MuwaadinNimaan Kuu Furayni,Yaanu Kuu Rarin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B MuwaadinNimaan Kuu Furayni,Yaanu Kuu Rarin.


Waxa ku qaadan maysaan sooyaalka aduunkan soo maray. Sideeda-ba bani'aadamka uu Eebbe uumay waxa kala leeyihiinwax yaabo ay ku kala duwan yihiin, qaar baa ku wanaagsan in ay wax uun khariban, oo burburiyaan, oo qas iyo dhibaato meel laga rabo mooyee aan wax kale loo adeegsan, oo ifkaba u jooga in ay dhigaan khasaare iyo baaba, qaarna waxay ku wacan yihiin in wax hagaajiyaan oo wax dhisaan, waa kuwo faa'iido iyo wax-tar soo kordhiya, oo lagu raysto, halka kuwa sare ay iyaku wax xumee uun ay ku foogagan yihiin.


Intaas haddii aad ila fahantay sare ku taala, waxan akhristaw doonayaa in aan bal wax yar idiinka sheego taariikh run ah, oo wakhti hore lagu soo dhuftay, waana tan ee ku soo dhawaadda

Suldaankii Dawlada Cusmaaniyiinta
Suldaan:
" Saleemaan Alqaanuuni " Ayaa waxa uu codsaday in loo keeno Muhandis dhismo " Gurigii Madaxtooyada" Ka dib waxa loo keenay Muhandis asalkiisu Armini yahay. Dabeed waxa uu ka codsaday Muhandiskii in uu dumiyo qasriggii hore, oo uu si fiican dib ugu dhiso. Kolkii guriggii dhulka lala simay, buu Muhandiskii shaqaalihii
Dumiyay qasriga uu
dhameeyeen eryey waxana uu ku bedelay qaar kale oo qasriga cusub dhisa.

Suldaankii markii uu qasrigii cusbaa u dhamaaday, ayuu "Muhandiskii " Waxa uu weydiiyay:
Maxaad shaqaalihii hore ee dumiyay u bedeshay ee aad shaqaale kale oo cusub u qoratay ? Muhandiskii waxa uu ku jawaabay: dadka qaarna wax duminta ayay ku fiican yihiin, qaarna wax dhiska iyo sida wax loo nadaamiyo iyo hagaajinta. Hadaba Mark cayn-kaas tahay xaaladu, Somalidu waxay wax u dhiibataa qaar wax dumiska mooyaane ,
Wax dhiska waxba ka aqoon.

Muwaadin waxan maanta u soo qaatay arinta "Suldaakii Dawladdii Cusmaaniyiinta" Suldaan Suleemaan Al-Qaanuuni, waxa weeye Askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximani" iyo weliba wax ma garatadda ay sii adeegsadaan sidda " Digsi-Xagato Iyo jin dagaagay" Waxay ahayd in la eryo, oo shaqo ka fadhiisin lagu sameeyo, waayo waxay yihiin kuwo burburinta uun yaqaan, maamula aan basar u garanayn, aqoona iyo wasyo'aragnimo-na aan u lahayn sidda wax loo dhiso. Sidaas waxa ku cad. sidaa labadda askari in ay yihiin kuwaas wax duminta uun yaqaana ee wax kale-ba aan loo dirin, sababtoo ah, waxay burburiyeen, wax allaale wixii ay soo dhiseen afartii madax-weyne ee uu Siilaanyo ugu dambeeyey. Hadda waxa aynu hadaba u direynaa mid ku wanaagsan wax dhiska, waa Cabdiraxmaan Cirro'e, kuwana aynu debedda dhignaa, oo ku nidhaanaa na dhaafa.

* N.B MuwaadinNimaan Kuu Furayni,Yaanu Kuu Rarin.
Qore:-Abdi-Shotaly
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...