Xildhibaan Abiib oo Ku Wajahan Gobolka Awdal

0
Friday July 19, 2024 - 18:09:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Abiib oo Ku Wajahan Gobolka Awdal

    In kasta oo la iga doortay gobolka Awdal, waxaan xildhibaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In kasta oo la iga doortay gobolka Awdal, waxaan xildhibaan
May be an image of 1 person and text



Maalinta Sabtida, sidii aan hore u iclaamiyay waxaan socdaal la tashi ah ugu tagayaa bulshadii i soo dooratay ee reer Awdal.

Waxaan soo dhaweynayaa baaqyada isa soo taraya ee lagaga soo hor jeedo gefkii la igula kacay iyo dacwaddii sharci-darrada ahayd ee loo gudbiyay shir guddoonka Wakiillada.

Ciidanka booliska waxaan ugu baaqayaa, in ay sida ugu habboon u sugaan amniga dadweynaha go'aansaday in ay i soo dhaweeyaan, aniguna aan ka aqbalay iyo amnigayga labadaba.

Xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa in caqligu shaqeeyo, oo aanay samaym kicin dadweyne.
Waxaan mar labaad ku celinayaa in aanay i metelin qof ama koox walba oo sidata calan aan ahayn ka Somaliland, maadaama aynu nahay dal madax bannaan.

In kasta oo la iga doortay gobolka Awdal, waxaan xildhibaan u ahay guud ahaan shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan u dhaartay ilaalinta sharciga iyo dastuurka dalka, mana ogoli in lagu xad-gudbo, la baal maro ama la jebiyo sharciga.

Sidaa si la mid ah, ma ogoli in waxyeello loo geysto ama la mashquuliyo ganacsiyada iyo in shaqooyinkooda laga hor joogsado dadweynaha reer Boorama.

Waxaan guud ahaan shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland u rajeymayaa barwaaqo iyo amni buuxa.
Loading...
Loading...