Abubakar Xaamud Jibriil ayaa loo doortay Guddoomiyaha ururka Hilaac

0
Friday July 19, 2024 - 09:10:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abubakar Xaamud Jibriil ayaa loo doortay Guddoomiyaha ururka Hilaac

    In Urur-siyaasaddeedkii Hilaac, aanu u tartami doonin doorashada Ururrada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Urur-siyaasaddeedkii Hilaac, aanu u tartami doonin doorashada Ururrada.



Abubakar Xaamud Jibriil ayaa loo doortay Guddoomiyaha ururka Hilaac ka dib xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey Pro Axmed Ismaaciil Samatar.



 

Guddoomiyaha cusub waxay walaalo yihiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamuud Jibriil waxayna isku deegaan ka soo wada jeedaan Pro Axmed Ismaaciil Samatar oo dhowaan xilka laga xayuubiyey.


 

Guddoomiyenimada loo magacaabay Abubakar Xaamud Jibriil ee Urur-siyaasaddeedka Hilaac, waxay muujinaysaa qodobadan.


 

1. In Urur-siyaasaddeedkii Hilaac, aanu u tartami doonin doorashada Ururrada.

 

2. In Hoggaanka cusub ee Hilaac isbahaysi cusub oo awood qaybi la geli karo Waddani


 

3. In tiir ka mid ah tiirarkii Kulmiye ee Gobolka Awdal ee Kulmiye taageeri jiray ay u janjeedhsamaan dhinaca Waddani, madaama tan iyo 2008 lafdhabarta taageerada Kulmiye ahayd deegaannadaas uu ahaa.


 

4. Ilma Xaamud oo kala ah Cali Xaamud iyo Walaalkii Ababukar oo Hilaac loo doortay oo saamayn ku leh Gobolka Awdal ay xoojiyaan awoodda Mucaaradka


 

5. In Saylici laftiisa taageero dadban u siiyo Mucaaradka.

Loading...
Loading...