Madaxda gobollada Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya oo heshiis gaaray

0
Friday July 19, 2024 - 09:03:34 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda gobollada Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya oo heshiis gaaray

    "Waxayaabaha aan isfahanka ka gaarnay waxa ay noqon doonaan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxayaabaha aan isfahanka ka gaarnay waxa ay noqon doonaan...


Heshiiska

Madaxweynayaasha maamulada deegaanada Soomaalida iyo Canfarta ayaa maanta gaaray heshiis lagu soo afjaryo colaaddii in muddo ahaydba ka taagnayd deegaano ku yaalla xadka laba maamul.

 

Colaadda u dhaxaysa qoomiyadaha Soomaalida iyo Carabta ee dalka Itooboya ayaa marar badan ku soo noq noqotay deeganadaasi, taas oo dhalisay khasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo barakac labada dhinacba ah. Waxana jiray isku dayo dhowr jeer lagu doonayey in lagu soo afjaro.

 

Magaaalada Addis Ababa ayuu maanta ka qabsoomay kulan labada madaxweyne ee deegaanadaas iyo madax sare oo ka socotay dowladda federalka ee Itoobiya ay kaga hadleen colaaadda gobolka Siti. Waxaana ka dib dhinacyada deegaandaasi ay gaareen heshiis.

 

Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mustax Muxumed Cumar iyo dhigiisa dowlad deegaanka Canfarta Awol Arba, ayaa sheegay inay xoogga saarayaan sidii loo soo afjari lahaa colaadaas oo muddo ka taagnayd soodinta labada maamul.

 

Labada madaxweyne oo shir jaraa’id qabtay ka dib heshiiska ayaa xusay inay diiradda saarayaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda.

 

Madaxweyne Mustaf Cumar, madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in Isku dhacyadii ka dhex taagnaa Soomaalida iyo Canfarta laga yeeshey wadahadal heer sare ah.

 

"Waxayaabaha aan isfahanka ka gaarnay waxa ay noqon doonaan kuwo maanta laga bilaabo dhaqan gala. Waxa ugu horreeya waa in la joojiyo isku dhacyada. Waa in la joojiyo xabbada. Intaas kaddibna waxa la qaban doonaa wadahadal dadweyne iyada oo loo mariyo nidaam dasrtuuri ah oo dimuqraadi ah. Waxa loo baahan yahay in wada hadal lagu xalliyo kala waxyaabaha la isku hayo.” ayuu Madaxeyen Musfate.

 

Mustaf, wuxuu intaa ku daray in laga heshiiiyey in Isfahan waaga lagu xalliyo qaab wadahadal ah, isagoo muujiyey in dhammaan dhinacyada oo ay ku jirto dawladda federaalka iyo guddiyada la samaeeyay ay qayb ka qaadan doonaan.

 

Madaxeynaha dowlad deegaanka Canfarta Awol Arba, ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin in si dhaba loo dhammeyo colaadda ka taagan deegaada xadka labada dhinac.

 

"Inkasta oo marar badan arrintan laga yeeshay wadahadllo lagu xallinayo shaqooyin bandanna la qabtay, haddana waxa ay ahayd mid sii socota. Iyada oo ay sidaa tahay, dhawaan fagaarayaal wadahadal oo ay soo agaamiseen madaxda ugu sarrasya federaalka waxa lagu gaadhay heshiis ah in xal-raadinta laga soo bilaabo halka ugu hoosaysa. Tan ugu horraysa, maaddaama hadda uu jiro khasaare nafeed waxay labada deegaan ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo.”ayuu yiri madaxweyne Awol Arba.

 

Wuxuu intaa raaciyey in tabashooyinka bud-dhigga u ah isku dhacyada loo bahaan yahay in lagu xalliyo nidaam dastuuri ah oo nabadgalyo ah.

 

Sida waxgaradka gobolka Siti u arkaan heshiiska

 

Aadan Allaale Cali, oo ka mida waxgaradka galbeedka gobolka Siti ayaa BBC-da u sheegay in uusan ka hor dhacayn basle uu u arkay heshiiska in aysan wax badani kala cadayn.

 

"Heshiisyo caynadan ihi waa dhici jireen, kow, labo iyo saddex ma ahayn, annagu iminka waxaan oranaynaa uun waxbaa hagaagay maalinta aan garnayo heshiiskaa oo qoron oo la leeyahay dadka magaalooyinkoodii baan ku celinaynaa reerihii miyiguna banankoodii bay daaqayaan baan u aragnaa heshiis jira oo dhaba”ayuu yiri Aadan.

 

Wuxuu sheegay in mudan tahay in diiradda la saaro sidii dadka barakacay loogu celin lahaa halkii ay ka soo barakaceen.

 

Bishii April ee sanadkii 2021-kii ayay aahayd markii magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta, kaas oo xal loogu raadinayay dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

 

Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.



isha/bbc/somali

Loading...
Loading...