Dawlada Somaliya Oo Hub Dad Shacab Ahi Boobeen Go'aamo Ka Soo Saartay.

0
Thursday July 18, 2024 - 20:44:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliya Oo Hub Dad Shacab Ahi Boobeen Go'aamo Ka Soo Saartay.

    "Warkan ayaa ku soo beegmaya xili dad shacab ah ay boobeen gawaadhi hubsiday"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warkan ayaa ku soo beegmaya xili dad shacab ah ay boobeen gawaadhi hubsiday"


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka, maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Luulyo 2024.



Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug.


Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo soo bandhigay dhacdadan, iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;


1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo horey ugu soo baxday (Digreeto Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.


2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.


3. Goluhu wuxuu isku raacay dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiirrada.


4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.


5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.


Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.” Sidaasi waxa lagu yidhi wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Somaliya.

 

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili dad shacab ah ay boobeen gawaadhi hubsiday, halkaasi oo dagaal ka dhacayna uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Loading...
Loading...