Masuul Ka Tirsan Xukuumada Oo Shaaciyey Dhibaato Uu Mucaaridka Kala Kulmay

0
Thursday July 18, 2024 - 06:30:49 in News by Abdi Good
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Tirsan Xukuumada Oo Shaaciyey Dhibaato Uu Mucaaridka Kala Kulmay

    Masuul Ka Tirsan Xukuumada Oo Shaaciyey Dhibaato Uu Mucaaridka Kala Kulmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Ka Tirsan Xukuumada Oo Shaaciyey Dhibaato Uu Mucaaridka Kala Kulmay
DAAWO:

Maareeyaha hay’adda Duulista iyi Madaarada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), ayaa soo bandhigay dhibaatu uu sheegay in loo gaystay isaga iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan.

Maareeyaha oo hadal ka jeediyay munaasibad xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyay taageereyaal ka soo baxay xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in 13 sanno oo ay ka tirsanaayeen xisbiga Kulmiye, isaga iyo siyaasiyiinta ay isku deegaanka yihiin la kulmeen dhibaato iyo cadaadis badan.

Wuxuu sheegay in cida ay dhibaatada iyo cadaadiska ay kala kulmeen tahay xisbiyadda mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, maadaama buu yidhi ay deegaan ka soo wada jeedaan isaga iyo labada xisbi mucaarad.

Maareeye Cumar Sayid, ayaa xusay in xisbiyadda mucaaradku sifo xun ka yeelaan siyaasiyiinta ku soo biira xisbiga Kulmiye iyo kuwa ka tirsanba.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, kaasi oo ahaa in masuuliyiinta ay isku deegaanka ka soo jeedaan ay marti ku yihiin xisbiga Kulmiye.

Wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI 7 sanno oo uu jiray ka shaqaynayay dhibaatada dalka Somaliland iyo kala qaybinta shacabka.



Loading...
Loading...