Somaliland oo dalab culus oo saartay kadib hubkii lagu bililiqeystay Caabudwaaq.

0
Wednesday July 17, 2024 - 13:13:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo dalab culus oo saartay kadib hubkii lagu bililiqeystay Caabudwaaq.

    Horay dowladda federaalka oo uga hadashay hubkan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horay dowladda federaalka oo uga hadashay hubkan...


Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay hubkii lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay shacabka ku dhaqan gudaha degmada Caabudwaaq.


 

Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubkaas, waxayna tilmaamtay inay ka imaan karto halis saameyn karta gobolka, iyada oo intaas ku dartay in lagu deg degay qaadista cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya.



 

"Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland.


 

Sidoo kale Somaliland ayaa tilmaamtay inay ka digeyso halis ka dhalan karta hubkan oo ay xustay inay gaari karto waddamda dariska ah, sida ay hadalka u dhigtay.


 

Waxaa kale oo ay ka dalbaday beesha caalamka inay dib eegis u sameysyo go’aankii cunaqabateynta huba looga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore 2023-kii.


 

Horay dowladda federaalka oo uga hadashay hubkan ayaa sheegtay inay dalka soo galiyeen ganacsato si sharci darro uga ganacsada hubka, kadibna ay ka war heleen ciidamada ammaanka, balse markii ay qabteen hubkaas ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan sidaasna lagu bililiqeystay.


 

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, isla markaana ay tallaabi ka qaadi doonto cid kastaa oo ku lug yeelatay falkaasi.

Loading...
Loading...