Waan Kala Joognaa

0
Wednesday July 17, 2024 - 12:54:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waan Kala Joognaa

    Toddobaad kadib ayuu maqaaxidii ku laabtay markale...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddobaad kadib ayuu maqaaxidii ku laabtay markale...


Maalin ayaa Juxa aaday maqaaxi balse looguma adeegin si wanaagsan oo uu ku qanco. Cunto aan fiicnayn oo haddana qaboow ah ayaa la siiyey, sidoo kalena waa lagala soo daahay. Juxa waa iska aamusay balse markii uu lacagtii bixinayey ayuu siiyey lacag dheeri ah oo ugu sheegay in ay abaalgud ka tahay sida loogu adeegay.


Toddobaad kadib ayuu maqaaxidii ku laabtay markale. Si aad u wanaagsan ayaa markaan loogu adeegay heer shaqaalaha dhammi u soo kala tartameen u adeegistiisa. Markii uu sii baxayey ayuu siiyey lacag yar ah.
"Balse Juxa, si aad u wanaagsan ayaa maanta laguugu adeegay haddana lacag aad u yar ayaad na siisay ee maxaad ka waddaa?" Ayaa la waydiiyey.

"Lacagtii badnayd ee aan maalintii hore bixiyey waa adeegga wanaagsan ee maanta, tan aan maanta bixiyey ee yarna waa adeeggii maalintii hore ee xumaa. Waa aan kala joognaa" ayuu ugu jawaabay.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...