Baanka Dhexe Oo Digniin Ka Soo Saaray Xaaladaha ka Taagan suuqa Sarifka

0
Wednesday July 17, 2024 - 10:08:35 in News by Abdi Good
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baanka Dhexe Oo Digniin Ka Soo Saaray Xaaladaha ka Taagan suuqa Sarifka

    Baanka Dhexe Oo Digniin Ka Soo Saaray Xaaladaha ka Taagan suuqa Sarifka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baanka Dhexe Oo Digniin Ka Soo Saaray Xaaladaha ka Taagan suuqa Sarifka

Agaasimaha guud ee Bangiga Dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim Xuseen, ayaa maanta digniin u diray Sarifleyaal uu sheegay inay sifo sharci darro ah u sarifaan lacagta shilinka Somaliland iyo lacagaha qalaad.

Agaasimaha, ayaa wuxuu sheegay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan sarifleyaasha sida sharci darrada ah u sarifaya lacagaha, isagoona sheegay in sarifleyaashaasi aanay habayaraatee wax liisan ah ama ogolaanshiyo aanay ka haysan Bangiga Dhexe ee Somaliland.

"Bararyahan dambe waxaa soo kordhaya sarifleyaal aan sharci haysan oo hadana ka shaqaynaya suuq sarifka shilinka Somaliland iyo lacagaha qalaad. Kuwaasi oo aan wax liisan ama ogolaanshiyo ah ka haysan bangiga dhexe Somaliland oo awood u leh bixinta liisamada. Taasoo keentay ama sababtay in suuqii sarifka lacagaha qalaad ay ku keento xasillooni darro. Waxaa la farayaa dadka sifaha sharci darrada ah kaga shaqaysanaya isku sarifka lacagaha qalaad in ay joojiyaan oo ay ka waantoobaan” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Waxa kale oo uu sheegay in Bangiga Dhexe bilaabi doono ollole uu ku dabagalayo dadka sida sharci darrada ah ugu shaqaynaya isku sarifka lacagaha.

"Toddobaadkan ama Toddobaadka dambe waxaanu bilaabi doonaa olole lagu dabagelayo dadka sida sharci darrada uga shaqaysanaya isku sarifka lacagaha qalaad. Hadaba waxaa la idin farayaa in aad iska ilaaliso ama aad ku dhaqanto inaad ku ganacsato sifahaa qaldan.”

Sidoo kale, agaasimaha ayaa digniin u diray dhallinyaro uu sheegay inay sifo sharci darro ah qaab Digitala ugu shaqaynaya isku sarifka shilinka Somaliland iyo dollarka.

"Waxaa maalmahan soo kordhaya Dhallinyaro Mobile-ladii ku isticmaalaya inay Shilinkii iyo dollarkii isku sarifkiisii ay sifo sharci darro ah oo digital ama electronics ah ugu shaqaynaya. Waxanu waalidnta iyo dhallinyaradaasi u sheegaynaa inay arrinkaasi joojiyaan”

Agaasimaha, ayaa sidoo kale fariin digniin ah u diray Sarifleyaasha haysta liisanka isku sarifka lacagaha, isagoona sheegay inay u hoggaansamaan go’aanadii ay soo saareen Bangiga Dhexe iyo Guddida xasilinta, dabagalka iyo kor u qaadida Shilinka Somaliland.

Bangiga Dhaxe ee Somaliland ayuu sheegay inuu ku hawlan yahay xasilinta iyo xakamaynta sarifka lacagaha.

"Sarifleyaasha sharciga haysta waxaanu faraynaa inay umadooda u naxaan. Waxaanan uga digaynaa inay sarifka ay maalinba maalinta ka danbaysa ay kor u sii wadaan. Bangiga dhexe isaga ayaa awood u leh inuu kaantaroole isku sarifka lacagaha. Qolada sarifleyaasha ee maalin walba bedelaya sarifka haday arrintaasi ka waantoobi waayaan tallaabo ayaa laga qaadi doonaa.

Wuxuuna faray Shirkadaha kala duwan ee dalka iyo Dugsiyada waxbarashada inay lacagaha ku qaadaan shilinka Somaliland.

"Waxaan mar labaad faraynaa shirkadaha laydhka iyo dugsiyada waxbarashada inay lacagaha ay ka qaadayaan bulshada ku qaadaan shilinka Somaliland.” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambayn, agaasimaha ayaa ka hadlay application lagu dhaco lacagaha dadka, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid aan wanaagsanayayn isla-markaana ay bulshadu ka waantoobaan.

Wuxuuna sheegay in Bangiga Dhexe ee Somaliland hore u mamnuucay Appliction-nadaasi, talaabana uu ka qaadi doono dadka ku hawlan arrintaasi.

"Baryahan dambe waxaa soo badanayay application lagu dhaco dadka oo hore Bangiga Dhexe go’aano uga soo saaray. Markaa cidkastoo isticmaasha application-nadaas ama cidkale ku dhiiri gelisa waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Bangiga Dhexe ee Somaliland Maxamed Qaasim Xuseen.



Loading...
Loading...