Xukuumada Somaliland Oo War Dhiilo Leh Ka Soo Saartay Go'aankii Cunaqabataynta Hubka Lagaga Qaaday Soomaaliya

0
Wednesday July 17, 2024 - 10:02:45 in News by Abdi Good
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo War Dhiilo Leh Ka Soo Saartay Go'aankii Cunaqabataynta Hubka Lagaga Qaaday Soomaaliya

    Xukuumada Somaliland Oo War Dhiilo Leh Ka Soo Saartay Go'aankii Cunaqabataynta Hubka Lagaga Qaaday Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo War Dhiilo Leh Ka Soo Saartay Go'aankii Cunaqabataynta Hubka Lagaga Qaaday Soomaaliya

Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujisay hubka sharci darada ah ee ku soo badanaya Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland oo lagu baahiyay boggeeda wabsaydka, ayaa lagaga hadlay dhacdadii ka dhacday magaalada Caabud Waaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho.

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya, ayaa waxaa shalay lagu bilili qaystay hubkii ugu badnaa. Hubkaasi oo u gacan galay shacabka iyo maleeshiyaad hubeysan, ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay dhanka xadka Itoobiya.

Iska hor-imaadka dhex-maray maleeshiyaadka deegaanka iyo ilaalada gawaadhida hubka sidday ee la furtay, ayaa waxaa ka dhashay khasaare, iyadoo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

War-saxaafadeedka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in dhacdadani tahay mid muujinaysa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah, taas oo ay sheegtay inay daliil u tahay dhacdooyinkii u dambeeyay.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka wasaaradda, ayaa lagu sheegay in arrimahani xasuusin dhab ah u noqonayaan walaaca xukuumadda Somaliland iyo dowladaha kale ee safka hore ka qabaan in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Dowladda Muqdisho ayay sheegtay inay u muuqato in aanay awood u lahayn in ay hubsato bakhaarkeeda hubka, iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladdan.

Dhinaca kale, war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa lagu sheegay in dowladda Somaliland ay ugu baaqayso Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka in ay si degdeg ah dib u qiimeeyaan go’aanka ay ku qaadeen cunaqabataynta hubka Soomaaliya.

Waxaana Beesha Caalamka bayaanka loogu soo jeedisay inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo wax lagaga qabanayo dhibaatadan, loogana hortagayo xasilooni darro kale oo gobolka ka dhacda.

Hoos ka akhris war-saxaafadeedka

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay walaac xooggan ka muujinaysaa kororsiga hubka ee Soomaaliya, taas oo ay daliil u tahay dhacdooyinkii u dambeeyay. Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, Al Shabaab waxay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan tiro hub ah oo ay wateen ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabud Waaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah.

Arrimahani waxay xasuusin dhab ah u noqonayaan walaaca xukuumadda Somaliland iyo dawladaha kale ee safka hore ka qabaan in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. In kasta oo aan digniino adag bixinay, haddana cunaqabataynta ayaa la qaaday bishii Diseembar 2023. Badintii ka dambaysay ee hubkan la qabtay, oo hadda si weyn looga diiwaan geliyay baraha bulshada, ayaa dhalinaysa su’aalo culus oo ku saabsan xikmadda iyo wakhtiga go’aankan.

Marka la eego sida ay dowladda Muqdisho u muuqata in aanay awood u lahayn in ay hubsato bakhaarkeeda hubka, iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladdan, dowladda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka in ay si degdeg ah dib u qiimeeyaan go’aanka ay ku qaadeen cunaqabataynta hubka. Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo dhibaatadan, loogana hortagayo xasilooni darro kale oo gobolka ka dhacda.” Sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.



Loading...
Loading...