Talo ma duugowdo

0
Wednesday July 17, 2024 - 08:27:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Talo ma duugowdo

    Haddii ay jiraan saaxiibbadaa oo shaqo la'aan ah, fadlan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii ay jiraan saaxiibbadaa oo shaqo la'aan ah, fadlan...



Haddii ay jirto walaashaa oo kortay fadlan hubi xaalkeeda oo ogoow,sii lacagta aad awooddid,waxaa laga yaabaa in ay ku gadaneyso waxyaabo aad iyo aad muhiim ugu ah dumarka. Waxyaabaha muhiimka u ahna waligood innama weydiiyaan dumarku.Haddii aadan dhug u yeelan waxaa laga yaabaa in ay dad khaldan weydiiso oo duruufta looga faa'iideysto!



 

Haddii ay jiraan saaxiibbadaa oo arday ah,iyagana hubi xaalkooda iyo noloshooda. Nolosha ardaynimadu mararka qaar aad iyo aad ayay u adagtahay.Sii lacagtaa awooddid oo kaalmee,wanaaggaagaas iyo dareenkaagaas waxaa laga yaabaa in ay ku sii haystaan dariiq wanaagsan iyo xaqiiq wanaagsan.


 

Haddii ay jiraan saaxiibbadaa oo shaqo la'aan ah, fadlan siwada jir ah ugu wac hakula soo qaxweeyaan,markaad soo xiiraneyso hakula soo xiirtaan,markaad dhar soo gadaneyso hakula soo gadtaan;fadlan fudeydi noloshooda.Marka aad taleefanka kaarka ku shubaneysid sidoo kale saaxiibkaada billaa shaqada ah ugu shub.


 

Haddii ay saaxiibbadaa ganacsi gelayaan taageer haddii aad taageeri karto oo caawi. Run ahaantii ma dareenno, laakiin xubnaha qoyskeenna iyo saaxiibbadeen mararka qaar waxa ay maraan marxalado aad u adag, fadlan aynu nolosha isku fudeydinno.

 

W/Q: Keyd Xasan Daahir

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...