GALMUDUG oo war kasoo saaray hubka lagu bililiqeystay CAABUDWAAQ

0
Tuesday July 16, 2024 - 15:42:48 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GALMUDUG oo war kasoo saaray hubka lagu bililiqeystay CAABUDWAAQ

    Wuxuu sheegay in gawaarida oo lahaa baabuurta..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu sheegay in gawaarida oo lahaa baabuurta..

Shiila madow

 

Dawlad goboleedka Galmudug ayaa ayaa BBC da waxa uu uga warramay hub la sheegay inuu ku rarnaa gawaari xamuul ah kaas oo galinki danbe ee shalay gacanta u galay maleeshiyaad iyo dad shacaba oo ku sugan tuuulada Shiila-madow oo hoos tagta degmada Caabudwaaq u dhow xadka dowlad deegaanka Soomaalida.

 

Wasiir ku xigeenk Amniga ee maamulka Galmudug Cali Baaashi Cabdullaahi Cigaal ayaa BBC da u sheegay in hubkaasi ahaa "Mid sharci darro ah".

 

"Shiila-madow waxaa soo galay gawaari siday oo hub sharci darro ah, lama filayn, wax la filayayna maahan in hubkaasi yimaado”ayuu BBC da u sheegay wasiirku.

 

Wuxuu sheegay in gawaarida oo lahaa baabuurta qabaalada ee waaweyn oo ah nooca isjiidk ah ayn ku rarnaayeen hub ayna ka soo talaabeen xadka dhanka dowlad deegaanka Soomaalida.

 

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in baabuur nuuca xamuulka ah ay sideen hubkaas ayna ka soo talaabeen xadka Galmudug iyo kan dawlad deegaanka Soomaalida.

 

"Labo kale oo ka mid ahaa baaruurta oo afar ahayd ayaa u soo tallaabay dhanka Galmudug, labo kalana waxay wali ku suganayn yihiin dhanka dowlad deegaanka” ayuu yiri wasiir Cali.

 

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, gawaarida ayaa markii ay soo galeen aagga, waxaa hor istaagay malleeshiyaad hubaysan sidaasna waxaa ku bilowday dagaal dhexmaray ciidan la socday gaadiidka hubka waday iyo maleeshiyaadkaas.

 

Dagaalka goobta ka dhacay iyo hubka ay la wareegeen dadka deeganka ayuu ku tilmaamay in uu ahaa "fal fool xun" wasiir ku xigeenka amniga Galmudg.

 

Ugaaska guud ee dadka deggan ay halka uu dagaalku ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dhaqan ahaan cid qaadata wixii halkaas ka dhacay, isaga oo la hadlayay Galmudug iyo dawladda Soomaaliya labadaba.

 

Wasiir Cali, ayaa intaa ku daray in baabuurta ay galbinayeen ciidamo ka tirsan hay'adda nabad sugidda Soomaaliya ee NISA. Waxa uu sheegay in wasaaradda amnigu ay wadashaqayn la leedahay hay'adda NISA, balse aan wax xog ah oo ku saabsan ciidankaas aysan hay'addu la wadaagin wasaaradda amniga iyo maamulkaba.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jriin xog ku saabsan hubkaas oo ay haysay dawladda Galmudug.

 

"Waxaan aaminsanahay inaan baabuurtaas aysan u socon dowladda federaalk ah, wax la filayeyna maha in hubkaas soo galo” ayuu BBC da u sheegay wasiir Cali.

 

BBC du waxay xiriir la sameysay wasaaradda amniga ee Soomaaliya iyo hay'adda NISA si ay wax uga waydiiso sababta ciidamadeedu u galbinayeen hubka, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

 

Dhanka kale wasaaradda amniga ee Galmudug ayaa sheegtay in baritaan ay sameyeen ay ku ogaadeen in baabuurtu ay farriin qaldan siiyeen dadka deegaanka oo ay u sheegeen in ay wadaan ateenooyin iyo qalab fudud, taasina ay keentay in dadku ay shakiyaan oo ay weeraraan baabuurta.

 

Hubka gaadiidka saarnaa ayuu sheegay in uu badnaa hubka fudud ee gacanta lagu qaato.

 

"Wuxuu ka kooban yahay qoryaha AK-47 , boostoolado... iyo hub kale oo nooca boobaha la yiraahdo oo aan baaritaankeena ku faahfaahin doona”. ayuu yiri wasiir Cali.

Galmudug, ayaa hadda sheegtay inay bilaabeen baaritaano ku saabsan hubka iyo ujeedada laga lahaa.

 

" Sharciga hubka ee Galmudug u yaalla waa baalmarsanaayeen baabuurtaan iyo sida ay ku soo galeen, baaritano ayaan furnay, meesha hubkaasi u socday, cida ogolaanshaha lahayd... anigu wasaaradda amniga ka socdaa, lamana socono hubkaas, madaxdayaduna lama socoto” yuu yiri Cali.

 

Wasiir xigeenka Amniga Galmudug ayaa BBC-da u sheegay inuu rumaysan yihiin in hubkaasi u socdo ganacsato balse ma sheegin cida ay yihin ganacsatadaasi.

 

Muuqaalo lagu baahinyey internetka ayaa muujinayey dad ku xoomaya gawaari nooca xamuulka qaada ah iyo iyaga oo isku sawiraya qoryo Ak 47 ah iyo bistoolado.

 

Dagaalka dhacay

Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah, haddana Galmudug waxay sheegtay in ay jiraan dhowr iyo tobban qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamay oo ku geeriyooday goobta ay wax ka dhaceen.

 

Dhaawacyada ayuu sheegay in qaar ka mid ah ay yihiin kuwa daran.

 

Dowladda Soomaliya ayaa bilo ka hor u dabaal dagtay cunaqabayntii hubka ee saarnayd Dalka oo laga qaaday muddo dhowr iyo soddon Sana ah kadib.

 

Cunaqatayntaas ayaa Soomaaliya la saaray sagaashameeyadii markii hub xoog leh uu gacanta u galay dadka rayidkaa iyada oo Qaramada Midoobay ay soo rogtay tallaabadaas.


Loading...
Loading...