Waxyaabaha keena hilmaanka ama xasuus yarida.

0
Tuesday July 16, 2024 - 15:38:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyaabaha keena hilmaanka ama xasuus yarida.

    >Go,casho: waa in qofku uu qofku aruursada ama waxyaabaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

>Go,casho: waa in qofku uu qofku aruursada ama waxyaabaha



Xasuus yaridu waa cudur dad badan soo wajaha aadna uhalis badan waxaana uu ku imaan karaa habab kala duwan oo kala ah mid dabiici ah sida da,daada oo waynata iyo mid aan dabiici ahayn sida deegida maskaxda.

Badana dadku waxay isku khaldaan xuus iyo go,casho.

Xasuustu: waa kaydinta xogaha iyo macluumadka muhiimka u ah qofka ama uu la kulmo waana wax loo bahanyahay.

>Go,casho: waa in qofku uu qofku aruursada ama waxyaabaha negatives ka ah ama an fiicnayn waxaana qofka qalbigiisa ku waynaada waxyaabihii dhibaatoyinka ahaa ee ula kulmay iyo dadkii ugaysatay waxaana had iyo jeer u kordha cuqdad iyo uur kutaalo dhibaato mooyane faa,iido maleh.

Xasuus yaridu waxay keentaa dhibatoyin aad ubadan gaar ahaan ardayda waxay ku keeni karta niyad jab iyo inay wax barahadaba ka haraan waxaad maqashaa dabiin sow maaha!?.

■Sababaha keena xasuus la,aanta:

●Hurdo la,aanta ama hurdo yarida:

maskaxda iyo unugyadu waxay u qabaysanyihiin qaab ah inay nastaan ama hurdo ku filan helaan hadii uu dhafar ku yimaado siduu doono haku yimaadee waxa dhacaysa inuu daal ku yimaado hawlihii maskada sidaasna xasuusta ku tagto ama ku yaraato, iska ilaali dhafarka ama soo jeedka gaar ahaan hadii arday tahay kuma sii jidho.

●isticmaalka maan dooriha: cabida sigaarka iyo khamrigu waxay si aan caadi ahayn usameeyaan xasuusta qofka.

●Daawooyinka: qaar ka mid dawoyinka waxay keenaan hilmaan ama ilowsho, waa in aad dhakhtarkaaga kala tashataa daawooyinka aad qaadanaysid in ay saamayn kugu yeelan karaan, waxaa ka mid ah daawooyinkaas kuwa dhimirka, kuwa gaaska, kuwa hurdada, kuwa dhiig-karka, kuwa hargabka iyo samboorka ama qufaca.

●waxa ay loo yaqaano(العادة السرية) am siigada ayaa sidoo kale ka mid sababaha sida xun u saameya xasuusta ilaa heer uu qofku kasoo kaban waayo.

●Daawashada filimada xun xun: waxa daraasado kala duwan oo lasameeyay lagu ogaday in dadka daawada muuqaalada jinsiga ah ama galmo inay ka dhaxlaan maqnaan iyo maahsanaan taas oo yaraysa shaqada maskaxda ee xaga xasuusta.

●Walwalka badan: walwal iyo fakarka faraha badan waxay baa,bi,iyaan xasuusta waana sababta keenta inay xasuustoodu yaraato dhalinyarada aan balwada lahayn kuwaas oo ad u fakara.

intaas iyo kabadan ayaa keeni kara xasuus la,aanta iyo in uu uqofka diirada saari waayo waxa uu qabanayo ama akhrinayo sidoo akele waxyaabah maala yacniga ah inuu qofku qabatimo sida gaymanka ciyaaraha oo kale ama muuqalada faraha badan sida tiktok oo oo kale ayaa iyaduna yaraysa xasuusta.

pageka noo followgareeya????

Cabdullahi Saciid Salaad Caalamiin


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...