Goormaa Ayaa La Furayaa Suuqii Gubay Ee Waaheen?

0
Tuesday July 16, 2024 - 11:24:20 in News by Abdi Good
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormaa Ayaa La Furayaa Suuqii Gubay Ee Waaheen?

    Goormaa Ayaa La Furayaa Suuqii Gubay Ee Waaheen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goormaa Ayaa La Furayaa Suuqii Gubay Ee Waaheen?


Dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen ee ugu weyna Somaliland, ayaa la filayaa in bilowga bisha soo socota xadhiga laga jaro.

Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen 1 bishii April ee sannadkii 2022-kii, ayaa waxaa ka dhashay khasaare laxaadle oo ay hanti badni ku jirto, iyadoona dabku baabiiyay gebi ahaanba suuqa.

Khasaaraha ka dhashay gubashadii baaxada weyneyd ee suuqa Waaheen oo ahaa midkii ugu weyna Somaliland, ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysay $1.5 Bilyan illaa $2 Bilyan oo lacag ah.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaadhaysa 5KM, ayaa tan iyo wakhtigaas waxaa soconayay dedaalada lagu dhisayay suuqa.

Hadaba, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Wiiwa oo ka mid ah guddida dhismaha Suuqa Waaheen ahna xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee Hargeysa oo u waramay Idaacada VOA, ayaa ka waramay halka uu marayo dhismaha suuqu iyo wakhtiga la furayo.

Xildhibaan Wiiwa, ayaa sheegay in suuqa Waaheen marayo meel fiican oo ay ilaa daraad ka shaqaynayneen sidii loo dhisi lahaa wadooyinka suuqa.

Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay wakhtiga loo qorsheeyay in suuqa dib loo furo, isagoona sheegay in bishan ilaa bisha soo socota dhexdeeda u furmayo qaybtii dadku lahaayeen.

Xildhibaan Cabdirisaaq Wiiwaa, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in suuqa dib loo furi doono sannadka soo socda ee 2025-ka aakhirkiisa.

Gubashadii suuqa Waaheen ayuu sheegay in dowladda hoose ee Hargeysa kaga luntay cashuur iyo dhaqaale aad u badan, isagoona xusayin dowladda hoose ay cid walaba ka jeceshahay inuu suuqu soo gabagaboobo.

Mar uu ka hadlayay kharashka suuqa galay, ayuu sheegay in ay dadka ku ganacsada suuqu diidanaayeen kharashka suuqa gelaya, dhismaha shubka laga sameeyay iyo salaamada ay dadku wada raacayaan.

Xildhibaanka, ayaa eedayn u jeediyay dadka ku ganacsada suuqa, wuxuuna sheegay in qofkastaaba uu doonayay inuu qolka hoostiisa ka samaysto salaan u gaar ah, isagoona xusay in ay ka dowlad hoose ahaan arrintaasi dhib ku ahayd.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dadka ku ganacsada suuqa loo sameeyay goob qudha oo ay kawada baxaan, hadii buu yidhi dab ka kaco suuqa.



Loading...
Loading...