DEG DEG Komishanka Doorashada oo Soo Saaray Bilwga iyo Jadwalka Ololaha Doorashooyinka.

0
Tuesday July 16, 2024 - 09:33:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Komishanka Doorashada oo Soo Saaray Bilwga iyo Jadwalka Ololaha Doorashooyinka.

    Qorshahan ayaa waxa ku cad hawl-qabadka maalinlaha a...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshahan ayaa waxa ku cad hawl-qabadka maalinlaha a...




Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray maalmaha mucayinka ah ee qorsh-haweedka doorashada ee 2024-ka, kaasi oo ay ku soo bandhigeen jaantuus ay ku taariikhaysan yihiin dhammaan hawlaha la qabanayo wakhtiyad soo socda eek u aadan doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta siyaasadda.

 

Komishanka doorashooyinka ayaa qorshe-hawleedkan la wadaagay dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka iyo bulshada Somaliland oo u dhag taagaysay inay ogaadaan halka ay wax marayaan iyo wax uu yahay qorshada Komishanku.

 

Qorshahan ayaa waxa ku cad hawl-qabadka maalinlaha ah ee doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta siyaasadda, waxaana si cad loogu sheegay xiliga ay liisanka gudbinayaan liistada Xisbiyadda iyo urrurada siyaasadda, sidoo kale waxa lagu sheegay wakhiga la bilaabayo ololaha doorashooyinka iyo wakhtiga lagu dhawaaqayo natiijada hordhaca ah ilaa wakhtiga loo gudbinayo natiijadaasi Maxkamadda sare.

 

Qorshe-hawleedka maalmaha mucayinka ah ee doorashada 2024-ka ee ay Komishanka doorashooyinku soo-saareen ayaa waxa uu u dhina yahay sida tan:-

 

12 August soo gudbinta liistada xisbiyadda iyo Urrurada siyaasadda

 

12 September soo gudbinta murashaxiinta Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha

 

24 October soo gudbinta Muraaqibiinta Xisbiyadda iyo Urrurada siyaasadda

 

Xx October bilawga ololaha doorashada

 

10 November dhammaadka ololaha

 

13 November maalinta codbixinta

 

20 November soo-saarista natiijadda ku meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyadda siyaasadda

 

21 November u gudbinta Maxkamadda sare natiijada ku meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyadda Qaranka.


Loading...
Loading...