"Amniga Dalku Waxa uu Kor u Kacay Markii uu Dalka Qabsaday Madaxwayne Muuse Biixi" Taliyaha Illaalada Xeebaha.

0
Tuesday July 16, 2024 - 09:28:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Amniga Dalku Waxa uu Kor u Kacay Markii uu Dalka Qabsaday Madaxwayne Muuse Biixi" Taliyaha Illaalada Xeebaha.

    Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa Saraakiisha EUCAP..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa Saraakiisha EUCAP..


Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa sheegay in uu si badelay amniga gudaha iyo kan dibedaba markii uu talada dalka qabsaday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.


 

Taliyaha ayaa sidan ka sheegay mar uu magaaladda Berbera ku soo dhaweeyay isla markaasian kulan kula qaatay saraakiil ka socotay hawlgalada madaniga ah ee midawga Yurub (EUCAP) kuwaasi oo uu sharaxaad ka siinayay amniga iyo xasiloodida dalka, waxaanu u sheegay in aanay inta ay Somaliland joogaan aanay u baahnayn wax ilaalo ah oo uu dalka amnigiisu sugan yahay, waxaanu saraakiishan uga waramay in amniga dalku uu sii xoogaystay markii uu talada dalka gacanta ku qabtay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.



 

Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa Saraakiisha EUCAP u sheegay in aanay jirin wax khatar ah oo maanta taala Somaliland balse amniga dalku gees ka gees uu sugan yahay oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Somaliland ee nafahooda u huray sidii uu dalkooda amnigiisu u sugnaan lahaa waxaanu yidhi


 

"Waxaanu soo dhawaynaynaa madaxda Hay’adda EUCAP, waxaanu leenahay soo dhawaaday, halkani waa Berbera waa Somaliland waa dalkiinii labaad waa nabadgelyo uma baahnid ilaalio ku ilaalisa, waayo wax khatar ahi ma jirto halkan.


 

Amniga dalkani waxa uu kor u kacay oo aad iyo aad amnigu isu badelay markii uu talada dalka qabsada Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana is badelay amaankii gudaha iyo kii dibadeba”.

Loading...
Loading...