Biden oo ku Adkeystay in aanu ka Baxeyn Tartanka Madaxtinimada.

0
Tuesday July 16, 2024 - 09:26:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden oo ku Adkeystay in aanu ka Baxeyn Tartanka Madaxtinimada.

    Khudbaddii uu shalay u jeediyay dimoqraadiyiinta magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khudbaddii uu shalay u jeediyay dimoqraadiyiinta magaalada



Isaga oo doonaya in uu dib u soo nooleeyo ololihiisa dib-u-doorashada ee halganka ku jira, ayuu Madaxweyne Joe Biden Jimcihi shalay ku qabtay magaalada Detroit ee gobolka Michigan isu soo bax dadweyne oo naadir ah.

 

Biden ayaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa Ditroit oo aad u faraxsanaa u sheegay, in aanu ka bixi doonin tartanka isaga oo uga digay in Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga uu iyaga ku yahay khatar weyn.

 

Biden, oo 81 jir ah, ayaa isku dayaya in uu iska leexiyo diiradda iyo hadal-heynta siiyadda ee maalmihi lasoo dhaafay ay shacabka Mareykanka uga hadlayeen awoodihiisa maskaxeed iyo jireed ee hogaaminta Mareykanka, haddii mar kale lasoo doorto.

 

Shakiga da’diisa ee taageerayaasha xisbigiisa dimoqraadiga ayaa soo baxay, kaddib dooddii uu 27-ki June la yeeshay murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, oo uu Biden ku soo bandhay wax lagu tilmaamay bandhig aad uga liitay kan Trump.

 

Khudbaddii uu shalay u jeediyay dimoqraadiyiinta magaalada Detroit ayuuse Biden ku yidhi "Waan tartamayaa waana ku guuleysan doonnaa. Wuxuu intaasi ku daray inuu yahay murashaxa isla markaana aanu meelna u socon oo uu tartami doono.

 

Biden wuxuu kaloo shalay soo bandhigay qorshihiisa 100-ka maalin ee ugu horreeyo haddii mar kale lasoo doorto. Kuwaas oo ay ku jiraan dib u habeynta xuquuqda ilmo soo rididda, saxiixida Xeerka Xuquuqda Codbixinta ee John Lewis, joojinta deynta caafimaadka, kordhinta mushaharka iyo mamnuucida hubka wax lagu weeraro.

 

Hase yeeshee, xeerarkaasi ayaa meelmarintooda u baahnaan doono in aqlabiyadda Koongareeska ay helaan mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga.


Loading...
Loading...