"Waa dhufays iyo damac aan xeeladaysnayn. Waa fowdo, is-miidaamin iyo isbaaro siyaasadeed oo lagu carqaladaynayo jewi doorasheedka dalku u jihaystay."

0
Tuesday July 16, 2024 - 08:05:46 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa dhufays iyo damac aan xeeladaysnayn. Waa fowdo, is-miidaamin iyo isbaaro siyaasadeed oo lagu carqaladaynayo jewi doorasheedka dalku u jihaystay."

    Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo falal wax...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo falal wax...
May be an image of 2 people



"Dacwadda la sheegayo in Xeer Ilaalintu ay ku soo oogtay Xildhiban Maxamed Abiib ma aha meel mar iyo maangal toona. Dacwadaasi waxa ay xad-gudub ku tahay xaasanada iyo xuquuqda sharci ee Mudane Maxamed Abiib sharci ahaan u leeyahay in uu aragtiyihiisa u cabiro si xor ah, xaalad kasta iyo xili kasta.

Dhinac kale, waa qadaf iyo deel-qaaf looga dan leeyahay in shacabka Somaliland lagu kala qaybiyo,laguna kicinayo shacabka reer Awdal. Waa dhufays iyo damac aan xeeladaysnayn. Waa fowdo, is-miidaamin iyo isbaaro siyaasadeed oo lagu carqaladaynayo jewi doorasheedka dalku u jihaystay.

Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo falal wax u dhimaya wadajirka ummadda, xilkii uu doono ha hayo, wuxuu halis ku yahay amniga Qaranka. Diiwaanka taariikhdana meel madow ayuu ka gelayaa. Waxaan ugu baaqayaa shacabka reer Somaliland, in ay meel uga soo wada jeesanno ilaalinta sarraynta sharciga, midnimada iyo wadajirka ummadda.

Ugu dambayn, shir-guddoonka iyo mudanayaasha Golaha Wakiiladu waa in ay si wadajir u difaacaan xasaanadda iyo xurmada Xil. Maxamed Abiib.”

WQ. Gudoomiye Maxamuud Xaashi
Loading...
Loading...