Maxaa aynu ka Filaynaa Martiqaadka Madaxweynaha Somaliland ee United Arab Emirates uu ku joogo.

0
Tuesday March 12, 2019 - 09:51:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa aynu ka Filaynaa Martiqaadka Madaxweynaha Somaliland ee United Arab Emirates uu ku joogo.

    Somaliland iyo Emirates ka waxaa ka dhexeeyey xidhiidh soo jireen ah oo waayo waayo iyo wakhtiyo fog salka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Emirates ka waxaa ka dhexeeyey xidhiidh soo jireen ah oo waayo waayo iyo wakhtiyo fog salka

ku haya,guud ahaanba dalalka Carabta Somaliland waa kuwo wadaaga xidhiidh aan bilow ahayn balse ku abtirsada diin dhaqan,ganacsi iyo is taageerid dhinac walba ah dadka arabtu waa dad aad u qiimo badan oo og walaalnimada ka dhexeysa dadka reer Somaliland.Taariikhda ay wadaagaan dalalka Carabta iyo Dadka reer Somaliland Qoraalo dambe Ayaan kaga hadlidoonaa balse waxaa aan maqalkeygan ku soobayaa maant oo madaxweynaha Somaliland ku sugan yahay wadanka UAE bal waxaa dadka reer Somaliland ka filayaan in uu marti qaadkaa ka soo baxaan.

Ugu horeyn dalalka carabta shacabka reer Somaliland waxay u arkaan walaalahood waana sida ay tahay oo marwalba waxay isla garabtaagaan hiil inta awoodooda ah balse dawladaha Carabtu waxay ka gaabiyeen in ay sidii ay filayeen isku garabtaagaan wakhtiyadii adkaa ee ay dadka reer Somaliland soo mareen kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:-

  1. Bishii may ee 1988 kii waxaa Kali talihii Maxamed Siyaad Bare uu Dhulka la simay Caasamadii Somaliland ee Hargeysa iyo Caasimadii labaad ee Burco waxaana uu xasuuq iyo baro kicin ka geestey dhamaanba degaamadii Somaliland ee xornimada ka qaatey Boqotooyadii Ingiriiska 26 June 1960.

Dalalka Carabta oo ay ku jirto UAE waxay xidhiidh wanaagsan la lahaayeen Kelitaye Siyaad Bare oo ay hub iyo dhaqaalaba la garab taagnaayeen balse marna kala may hadal dadkaa uu xasuuqa u geestey.

  • 1991 Markii dawladii Kacaanka laga tuuray xukunka ee Somalilandna ku dhawaaqday dib ula soo noqoshadii am aka bixidii midowga Somalidii konfureed dalalka carabtu waxay gacmaha ka laabteen in ay caawiyaan oo ay gacan qabtaan dadka reer Somaliland ee durufaha kala duwani haysteen,weliba waxay ku cadaadiyeen in ay Somaliya ku jiraan oo cadaadis siyaasadeed iyo dhaqaaleba ku hayeen Somaliland ilaa xitaa xoolihii ay dhoofin jireen dhor jeer ay carabtu diideyn in ay ka iibsadaan.
  • Dalalka carabtu dadkii Somaliland eek a xoogsan jirey waxay cadaadis ku saareen in ay Passporka Somaliya uu u aqoonsan yihiin passporka sharciga ogow passporka Somaliya wakhtigaa waxaa lagu daabici jirey suuqa bakaaraha ee muqdisho oo qof kasta oo lacagta iska bixin karaba waa la siinayey iyaga oo dad shacab ahi gacanta ku hayeen oo sida sonkorta aad ka iibsaneysay suuqa.Kan Somaliland oo dawladi bixisaynay lama aqoonsaneen.



Hadaba Emiratiska waxaa manta la gudboon in ay Madaxweyne muuse Bixi u soo xambaariyaan wax farxadgeliya dadka reer Somaliland oo ka maydha wax ay dadka Somaliland u arkayeen Hagrasho ay walaalahood hore uga hagradeen oo ay ka mid yihiin:

  1. Horseed ka noqoshada aqoonsiga Somaliland
  2. Maalgashi ay ku sameeyaan kabaha dhaqaalaha Somaliland
  3. Difaaca xuduudaha Somaliland iyaga oo dhisaya taageeray Ciidamada kala duwan ee Somaliland waayo waa ciidamo carbeed oo beri is garabtagi kara dalalka carabta
  4. Maadama ay wadamada arabta ee khaliishku yihiin wadano dhaqaale leh gaar ahaan Emiratis ka iyo Saudi gu hada wax dhaqaale ah oo muuda oo ay Somaliland ku caawiyaan ma jirto halka ay Somaliya aad moodo iney ku daldaleen dhaqaale dhinac kastaba ah,Saudiga iyo Emiratis ku ma waxay ka liitaan Qadar oo dawlada federalka ah ee Somaliya la og yahay hantida ay geliso,sida ciidamada dalkaasi sida ay u tababarto,hubka ay siiso iwm.


Sidaa darteed Madaxweyne Muuse Bixii Dadka Somaliland waxay ka sogayaan Emiratisku waxay u soo diibaan wuxuu yahay hadyada uu dalka iyo dadkii kula soo guryo noqondoono! Bal aynu eegno malaha Citiraaf kama yara waxaa uu inoo keeni doono Madaxweyne Muuse iyo waftigiisu.


Source: hogaanka.org

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...