Maxay FBI-du Ka Tidhi Ninka Lagu Tuhmayo Inuu Toogtay Donald Trump?

0
Monday July 15, 2024 - 07:34:15 in News by Abdi Good
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay FBI-du Ka Tidhi Ninka Lagu Tuhmayo Inuu Toogtay Donald Trump?

    Maxay FBI-du Ka Tidhi Ninka Lagu Tuhmayo Inuu Toogtay Donald Trump?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay FBI-du Ka Tidhi Ninka Lagu Tuhmayo Inuu Toogtay Donald Trump?

Trump

Muuqaal laga duubay goobta ayaa muujinaya madaxweyne Trump oo khudbayanaya, kadib waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas. Aragagax ayaa bilaabanaya, Trump oo dhagtiisa midig haysta ayaana hoos u fariisanaya, kadibna waxaa ku soo kala ordaya ilaaladiisa gaarka ah, sida laga arki karo Muuqaalka.

Sidoo kale qaar ka mid ah taageerayaasha Trump oo meel dhabarkiis aku aadan fadhiyaya ayaa iyaguna hoos u fariistay, iyaga oo gamabanayay.

Nin ka mid ah dadkii goobta joogay ee khudbadda dhagaysanayay ayaa la hadlay BBC da, waxa uuna sheegay in inta ay khudbaddu socotay uu arkay nin qori wata oo gurguuranaya saqafka guri meel dhinacooda ah ka muuqday.

"Si cad ayaan u arki karnay isaga iyo qorigiisaba, faraha ayaan ku taagnay, booliskuna aagga ayay socsocdeen, waxaanan ku niri; war nin qori wata ayaa saqafka gurigaas saran”, ayuu BBC da u sheegay ninka goobjoogaha ah.

Balse waxa uu hadalkiisa raaciyay in boolisku u ekaayeen kuwa aan warba u hayn ninka.

Ninku wuxuu soo riday shan xabadood, mid ka mid ah ayaana dhagta uga dhacday Trump. Waxa uu sheegay in uu maqlayay "cod guux hoose ah”.

Kadib waxaa laga saaray goobta, waxaana loola cararay isbitaalka.

Marka laga soot ago dhaawac Trump goobta waxaa ku dhintay hal qof oo ka mid ah ka soo qayb galayaashii dhacdada, laba kalana dhaawac daran ayaa soo gaaray.

Trump ayaa waxa uu xilliga weerarku dhacayay khudbad ka jeedinayay Pennsylvania, isaga oo ku jira ololihiisa doorashada madaxweynenimo.

Trump ayaa haatan laga saaray isbitaalka sida aan ka soo xiganay warbaahinta CBS ee dalka Maraykanka.

Lama oga halka uu u jihaysan doono Trump maanta ka dib dhacadadaan, in kasta oo markii hore qorshuhu aha ain uu aado Bedminster, oo ku taalla New Jersey.

Muxuu yahay ninka looga shakisan yahay weerarka?

Sida ay sheegta hay’adda sirdoonka ee FBI da, ninka looga shakinsan yahay in toogtay madaxweyne hore Donald Trump ayaa lagu magacaabaa Thomas Matthew Crooks.

Waxay sheegeen in uu yahay labaatan jir ka soo jeeda magaalada Bethel Park, ee Pennsylvania, sida ay ku xuseen warka ay soo saareen.

FBI da ayaa waxay sheegtay in arrinkaan ay ula macaamilayaan sida kiis isku day shirqool dil.

War uu ku soo daabacay Trump bogga uu ku leeyahay shabakadiisa Truth, waxa uu sheegay in baalooto ay daloolisay "xubinta sare” ee dhagtiisa midig. Mar sii horaysayna afhayeenkiisa ayaa sheegay in xaalkiisa lagu dabiibayo isbitaal maxalli ah.

Markiiba dhiig ayaa la arki karay ka muuqanayay dhagta iyo wajiga Trump, markii ay la sii cararayeen ilaaladiisa qaaska ah.

Hay’adda FBI da ayaa waxay intaas ku sii dartay in dhacadadaani ay wali tahay "mid nool oo baaritaankeeduna yahay mid socda haatan”.

Boolisku waxay sheegeen in qataro kale aysan meesha ka dhicin kadib toogashadii uu ninku gaystay.

Ninka tuhmanaha ah ayaa waxaa isla goobta ku toogtay ciidamada qarsoon ee amniga, afhayeenkooda oo lagu magacaabo Anthony Guglielmi ayaa sidaas sheegay. Waxa uu intaas ku daray in meesha ku sugnaa uu dhintay laba kalana ay dhaawac halis ah dhulyaal la yihiin.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in dhamaan dadka dhibanayaasha ha ee saddexda ahi ay yihiin rag.

Hay’adaha amniga ayaa u sheegay warbahainta CBS ee Maraykanka ee ay BBC da iskaashadaan, in ninka tuhmanaha ah ee la dilay uu ku hubaysnaa qori uuna xabado ka soo riday meel dhawr boqol oo mitir u jirta goobta uu ka khudbayay Trump.

Goor sii horaysya ayaa sirdoonku waxay u sheegeen wariyeyaasha in aysan wali go’aan in kiis kaan loo dhigo qaab isku day dil ah.

Sirdoon qaas ah oo lagu magcaabo Kevin Rojek ayaa xaqijiyay in hay’addu ula macaamili doonto kiiskaan sida qaab isku day shirqool dil ah.

Waxa uu intaas ku daray in ninku uusan wadan wax kaar aqoonsi ah, baarayaashuna ay adeegsadeen DNA giisa si ay isugu dayaan in ay ogaadaan cidda uu yahay.




Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...