Maxaad Naftaada U Dhiiri Galin Wayday?

0
Sunday July 14, 2024 - 16:37:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Naftaada U Dhiiri Galin Wayday?

    Samayso Deegaan Dhiiri-Galineed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Samayso Deegaan Dhiiri-Galineed



"Dhiiri Galinta Aad Naftaada Dhiiri Galinayso Ayaa Ka Saamayn Badan Dhiiri Galinta Ay Dadka Kale Ku Dhiiri Galinayan" -Khalitt Updyrashitt Sidda Aynu Wada Ognahay Dhiiri Galintu Waa Mishiinka Dhaqaajiya Bini'adanka,Kaas Oo Ku Riixa In Ay Fuliyaan Amaba Qabtaan Hawl Ay Ku Guda Jireen, Si Kale Haddii Aynu U Dhigno Waxa Aynu Oran Karnaa Dhiiri Galintu Waa Shidaalka Inoo Suurto Galiya In Aynu Ka Midha Dhalino Hadaf Aynu Ka Lahayn Hawl Aynu Haynay Haddii Aad Doonayso In Aad Safar U Baxdo Waxaad Marka Kowaadba Ka Fikirtaa Inaad Haysato Sahay Kugu Fillan, Oo Kuu Suurto Galisa In Aad Gaadho Goobtii Aad Rabtay.

Dhinac Kale Haddii Aynu Ka Eegno, Tusaale Haddii Aynu Rabno In Aynu Udalxiis Tagno Buurta Daallo, Waxa Aynu Diyaarsanayna Gaddiidkii Aynu Ku Tagi Lahayn Goobtaas Markaas Ayaynu Ka Fikirnaynaa Baabuur Mise Diyaarad Ayaynu Raacnaa Siddoo Kale Aynu Iswaydiinaa Shidaal Intee Leeg Ayaynu Ubaaha Nahay Si Aynu Ugaadhno Goobtaas?.

Haddii Ayaynan Buuxsan Taangiga Shidaalka Gaddiidka Aynu Raacayno Ma U Malaynaysaa In Aynu Gaadhi Doono Goobtii Aynu Rabnay?, Jawaabtu Waa Maya.Haddaba Ma Odhan Karnaa Dhiiri Galintu Waa Shidaalka Kaliya Ee Ina Gaadhsiin Kara Hadafkeena Iyo Himiladeena?, Dadkuna Sidda Ay U Kala Dhiiranyihiin Ayay Ugu Kala Dhawyihiin Guusha, Taa Waxa Inoo Cadaynaysa Qofna Waxaa U Haystaa Shidaal Kufillan Oo Uu Ku Gaadho Meeshaa Uu Rabo, Ka Kalana Ma Haysto Shidaal Ku Fillan, Balaan Isku Dayo In Aan Soodhaweeyo Fahanka, Tusaale Ahaan Haddii Aad Tiraahdo Waxaan Rabaa In Aan Ka Qayb Galo Tartanka Baabuurta Oo Aad Shidaal Kugu Fillan Kushuban Waydo Baabuurkaga, Ma Umalaynaysaa In Aad Tartankaa Ku Guulaysan Doonto?.

Haddaba Nolashu Waa Tartankaas Baabuurta Oo Kale Dhiirananta Ayaana Lagu Kala Tagay, Haddii Aanad Noqon Qof Dhiiran Oo Ay Ka Go'antahay Qabashada Waxa Uu Doonayo, Hubbaal Waad Ku Guul Daraysan Doontaa Geeddiga Guusha, Si Aanay Taasi U Dhicin Waa Inaad La Timaadaa Dhiiranaan Iyo Go'aan Adag Siddoo Kale Aanad U Ogalaan Cidna In Ay Ku Niyad Jabiso.

Dhiiri Galinta Waxa Ay Ka Timaadaa Laba Ilood Oo Aad U Waawaayn Mida Waa Dhiirigalinta Qofku Naftiisa Dhiiri Galinayo, Ta Labbaadna Waa Dhiiri Galinta Qofku Kahelayo Dadka Ku Xeersan Amaba Deegaanka Uu Ku Noolyahay.

Labbada Qayboodba Ayay Muhiim Ugu Yihiin Nolasha Bini'aadanka, Haddaba Sidda Ka Muuqata Magaca Dhiganahan Kooban Waxa Aynu Soo Qaadan Doona Qaybta Kowaad.Sidda Xigmada Aynu Halka Sare Kusoo Aragnay Inoo Tilmaanayso Dhiiri Galinta Qofku Naftiisa Dhiiri Galinayo Ayaa Ka Saamayn Amaba Waxtar Baddan, Dhiiri Galinta Dadka Kale Dhiiri Galinayan.Wali Naftaada Ma Dhiiri Galisay?, Ma U Sheegtay Aduunka In Wax Adagi Aanay Jirin,Wax Shalay Aan Caqliga Galayn Maanta Ay Caqli Gal Tahay, Wax Aan Maanta Caqli Gala Hayn Barri Ay Caqli Gal Noqon Doonto?.

Wixii Aad Isku Adkaysana Ay Kugu Adkaan Doonan, Aduunka Waxa Badalay Waa Su'aal Uu Qof Iswaydiiyay, Bacdeen Uu Maskaxda Ka Shaqysiiyay Xalkeedii Iyo Jawaabteedina Raadiyay Kuna Guulaystay,Dadka Dunida Ku Noolina Ka Faa'idaysteen Kuna Mahadiyeen.Shalay In La Duulo Oo Dayaxa Latagaa Waxay Ahayd Wax Aan Caqli Gal Ahayn Mantana Waxaa Loo Hirdamayaa In Guryo Laga Dhisto Oo Lagu Dul Noolaado.

Shalay Caqli Gal May Ahayn In Laydh La Shito Oo Dunidu Oo Dhami Iftiinto, Maantana Waad Arkaysaa Sida Ay Dunida Dhami U Bildhaamayso, Dhamaan Intaas Iyo Inka Badanba Way Dheceen Rag Baana U Fikiray Oo Maskaxda Ka Shaqaysiiyay Iyaga Oo Caqabado Badan Kala Kulmay Bulshadooda Lana Soo Daristay Niyad Jab Badan, Lakin Ismay Dhiibin Ee Waxay Noqdeen Dad U Hal-Gama Rumaynta Riyooyinkooda, Wadigaa Arkaya Maanta Sidda Lagu Faanayo Iyo Baasha Dahabka Ah Ee Ay Ka Galeen Dunida.Waxaa Iswaydiin Mudan Maxad Isku Dhiibtaa Marka Ay Niyad Jab Yari Kula Soo Darso Amaba Wax Kuu Haggaagi Waayaan?, Waxaad Ogtahay In Guushu Ayna Ahayn Wax Si Fudud Lagu Gaadho Ilaa Iyo Rafaad Iyo Dhib Loo Maro Mooyee, Maxaa Kaa Dhigay Qof Jilicsan Oo Sabirku Ku Yarhay?, Ma Waxa Aad Ka Baqanaysaa Guul Darada?,Halkee Ayay Wax Ka Khaldan Yihiin?, Maxaa Kaa Dhigay Mid Caajis Ah Oo Wahsi Badan, Qayrkaa Ayaa Hoggaanka Kuu Haya Oo Aad Ku Dayataa, Halkii Adiga Lagugu Dayan Lahaa, Sidda Xayawaankii Oo Kale Ayaa Inta Qoorta Lagaa Xidhay Lagu Hagayaa, Waa Qayrkaa Waxa Ku Jeedinaya Ee Maskaxdaada Ku Ciyaaraya Adiguna Warmooge Aayad Tahay.

Ma Waxa Aad Sugaysaa In Ay Dadku Ku Dhiiri Galiyaan Oo Ay Markasta Oo Aad Niyad Jab Dareento Aad Raadiso Qof Ku Dhiiri Galiya?, Ma U Malaynaysaa In Dadka Oodhami Ku Dhiiri Galin Doonan Hal Marna Kuwada Garab Istaagi Doonan.

Waa Maxay Cudurdaarkan Beenta Ah Ee Aad Naftaada Ugu Sheekaynayso, Sidda Inaanad Haysan Cid Ku Dhiiri Galisa, Lacag Aad Wax Ku Qabsato, In Aanad Waxba Qabankarayn Iyo Qaar Kaloo Badan.Maxaad Uga Been Sheegaysaa Nimcooyinka Allah Swt Kugu Galadaystay Ee Tiro Beelka Ah, Ee Ay Kow Katahay Garashada Iyo Garaadka Ee Aad Ku Kala Garanayso Waxa Saxda Ah Iyo Waxa Khaladka, Awoodada Jismi Iyo Taada Maskaxeed, Haddii Aad Nasiib U Yeelatay In Aad Haysato Lixdadii Lixaad Caafimaadna Aad Qabto Maxaad U Inkiraysaa Eed La Cabadaysaa Maxaa Kaa Maqan, Ilahay Ugu Mahadi Ku Siiyay Nimcooyinkas Kana Faa'idayso Waa Imtixaane Lagayabaa In Ay Kusoo Marto Maalin Aanad Haynin.Adiga Unbaa Nolashada Wax Qabsan Kara Guulna Gaadhi Kara, Cid Kuu Shaqaynaysa Ama Jirto Ee Adigu Hurdada Ka Kac Oo Iska Dhig Qof Jira Oo Nool. In Aad Noqoto Qof Naftiisa Dhiiri Galiya Waa Habka Kaliya Ee Aad Guulo Badan Ku Gaadhi Karto,Waxaana Kuu Fududaanaya Dariiqa Aad Guusha Umarayso Maxaa Yeelay Waxaadtahay Qof Dhiiran Oo U Kulul In Uu Kamidho Dhaliyo Riyadiisa.

7 Hab Oo Aad Naftaada Ku Dhiiri Galin Karto

1. Samayso Qorshe Nolaleed:

Waxaa Mushkalad Aad U Wayn Ah Hadaanad Nolasha Dhan Hadafba Kalahayn, Oo Aad Iska Seexato, Iska Soo Toosto, Cunto Cabto, Meel Aad Usocotaba Aanad Aqoon.Maxaad Jeceshahay In Aad Noqoto Mustaqbalka?, Maxaad Doonaysaa In Lagugu Xasuusto Oo Aad Dunida Kusoo Kordhiso?, Samayso Hadaf Iyo Meel Aad Rabto In Aad Xaqiijiso, Kolay Haa Way Jirtaa Riyo Iyo Hadaf Aad Leedahay Oo Ku Gubaya, Fikiradaad Doonayso In Aad Soo Kordhiso Oo Dadka Anfacda.Riyadu Waxa Ay Ahaataa Riyo Lakin Marka Aad Go'aansato In Aad Waraaq Ku Qorto Way Isbadashaaa Si Ay U Noqoto Hadaf, La Kaalay Qorshe, Qor Oo Hoosta Ka Xariiq Waxa Aad Rabto In Aad Xaqiijiso Oo Aad Gaadho, U Kala Horaysii Sidda Ay Ukula Muhiimsan Yihiin Ukala Qabo.

2. Samayso Deegaan Dhiiri-Galineed

: Noqo Qof Markastaba Ay Ku Xeeranyihiin Waxyabo Ku Dhiiri Galinaya, La Soco Dadka Hanka Sare Leh, Dhagayso Qudbadaha Ay Jeediyaan Dadka Guulaystay Iyo Dadka Wax Galka

Dhiiri Galiyayasha Ah, Akhri Sheekooyinka Iyo Xigmadaha Dadka Guulaystay Samayso Xigmado Iyo Hadala Aad Adigu Leedahay Ood Naftaada Kula Hadlayso, Taasi Waxa Ay Kaa Caawin Doontaa In Hadalada Aad Samaysay Ay Noqdaan Qaar Ku Dhiirigaliya Sidoo Kale Ay Noqdan Xeer Naftaada Qabanaya Kaana Fogaynaya Dib U Noqoshada.

3. Ha Niyad Jabin:

Marka Laga Hadlayo Niyad Jabka, Waxaynu Ognahay Waxkasta Oo La Rabo In La Qabto In Laga Qabto Niyada, Sidda "Nabigeena Maxamed (Nnkh) Inoo Sheegay In Camalku Yahay Niyada, Wax Kastana Lagu Qabto Niyad".Haddaba Haddii Aad Niyad Jabto Ma Umalynaysaa In Aad Rumayn Karto Riyadaadii,Iska Ilaali Niyad Jabka, Markasta Oo Aad Dareento Niyad Jab, Kala Hor Tag Dhiiri Galin Usoo Bandhig Naftaada Guulihii Hore Aad Gaadhay, Isasoo Hor Dhig Abaalmarinadii Lagu Siiyay Shahadooyinkagii, Una Sheeg Naftaada In Ay Guulahaa Gaadhay, Sidookale U Sheeg In Ayna Ahayn Xili Ay Dib Usoo Noqoto, Lahadal Naftaada Cadawga Ha Ii Jabin Ku Dheh, Horana Usoco Oo Dib Hasoo Eegin.Sheekh Mustafe Ayaa Isaga Oo Halganka Nolasha Ka Hadlaya Waxa Uu Yidhi " Nolashu Waa Halgan Inta Halganka Lagu Jiro Dhib, Baqasho Iyo Mushkilad Ayaa Imanayaysa,Waana In Loo Samro Oo Loo Adkaysto Loona Dulqaato, Oo Yaan Lagu Talo Galin In Xalwad La Isku Siinayo Halganka Nolasha Ee Qofku Haku Talo Galo In Uu Dhibaatooyinka U Sabro".

4. Abaal Mari Naftaada:

Naftaadu Waa Ta Kaliya Ee Nolasha Guul Kuu Horseeda Ama Guul Daro, Wata Kadanbaysa In Aad Gaadho Guulo Badan Oo Aad Maanta Ku Faanto, Wata Heeganka U Ah Una Hirdamaysa Rumaynta Riyooyinkaga.Markasta Oo Aad Guul Gaadho, Umahad Celi Naftaada, Una Sheeg In Ay Qabatay Hawshas Kana Danbaysay Guusha, Si Naftaada Abaal Marin, Tusaale Ahaan Ku Dheh "Haddii Aad Hawshaa Qabato Waxa Aan Ku Gayn Doonaa Dalxiis, Buurta Daallo Ah Amaba Meelaha Ugu Quruxda Badan Deegaankaga". Markasta Naftaada Heshiis Lagal, Ha Dulmin Naftaada Xil Ayaa Kaa Saran, Daryeel Cafimaadkeeda, Nadafadeeda Iwm. La Saxiib Oo Iyada Uun La Nolow Iyada Ayay Ku Xidhantahay Noloshadu, Takaliya Ee Aan Ku Cidlaynayn Waa Iyada Dhib Iyo Dheefna Kula Qadanaysa, Iyada Ayaa Lagugu Abuuray.

5. Noqo Qof Faraxsan:

Farxadu Waa Ta Kaliya Ee Kuu Suurto Galinaysa In Aad Horumar Gaadho, Markasta Oo Aad Farxad Muujiso Waxa Kuu Fududanaysa In Aad Kasbato Dadka Oo Dhan Oo

Noqoto Mid La Jeclaysto Ag Joogiisa, Dadkoo Dhana Agtiisa Ku Dareemaan Farxad Iyo Daganansho. Qosal Oo Dhoole Cadee Marwalba Waxad Ka Guulaysan Doontaa Dhaman Cadowgaga Oo Dhan, Maxaa Yeelay Markasta Oo Aad Faraxdo, Qosasho,Dhoole Cadayso Cadowgagu Waxa Ay Dareemi Doonan Niyad Jab, Siddaas Ayanad Kaga Guulaysan Doontaa.

6. Ha Isbar-Bar Dhigin Dadka Kale:

In Aad Is Barbar Dhigto Dadka Waxa Ay Kamid Tahay Mushkiladaha Ugu Waa Wayn Eekaa Hor Istaagaya In Aad Gaadho Guul Iyo Horumar, Tusaale Ahaan Haddii Aadtiraahdo; Waxaan Ahay Fiqiir Danyar Ah Marka Lama Tartarmi Karo Hebel/Heblaayo Oo Iga Taajirsan Iwm. Iska Ilaali Is Barbar Dhigidu Waa Niyad Jabiyaha Kowaad Ee Hadafkaaga. Una Sheeg Naftaada In Taajirnimadu Ayna Ahayn Lacagta Iyo Daaraha Ee Ay Tahay Maskaxda, Inta Aad Leedahay Maskax Caafimaad Qabta Xiskaaguna Uu Jiro,Waxkastaba Gacantada Ayay Ku Jiraan Kaliya U Samir Oo Ilahay Talo Saaro.Haddal Uu Sh. Mustafe Leeyahay Ayaa Waxa Uu Yidhi "Qofka Bini'adanka Ahi Mar Qudha Ayuu Jabaa. Markaasna Waa Marku Isdhiibo Ee Uu Yidhaahdo Waa Lagaa Cilmi Badanyahay, Waana Lagaa Xoog Badanyahay".

7. Caawi Dadka:

U Naxariiso Dadka Si Uu Allah Kuugu Naxariisto, Caawi Dadka Baahan Waa Abaal Aad Dhigatay Aakhiro Iyo Aduunba, Adigana Marka Aad Baahantahay Ayaa Lagu Caawin Doonaa, Maxaa Yeelay Aduunku Waa Hadhkaa Labbadisa Galin, Ka Hayana Ma Siihayo Ka La'na Masii La'aado. Isku Day In Aad Caawiso Qofkasta Oo Gargaar Ku Biday,Masuuliyad Ayaa Kaa Saaran In Aad Wax U Qabato Sidoo Kale Aad Horumariso Dadkaaga, Diintada Iyo Dalkaagaba.Dhiiri Gali Dadkaga, Qofkasta Oo Fikir Kuula Imaada Niyada U Dhis Garabna Sii.Xigmad Aan Idinku LeeyahayDhiganahan Kooban Ayaa Waxay Leedahay "Hal Erayoo Afkaaga Kasoo Baxa Amaba Ficil Aad Samayso Ayaa Qof Rajo Iyo Guul Ku Abuuri Kara Amaba Niyad Jab Iyo Guul Daro U Horseedi Kara". Khalitt Updyrashitt" Farqiga U Dhexeeya Innaga Iyo Reer Galbeedku Waa, In Iyagu Ay Dhiiri Galiyaan Kooda Guul-Daraystay Ilaa Iyo Inta Uu Guulaysanayo. Innaguna Waxa Aynu Niyad Jabinaa Keena Guulaystay Amaba Fikiraya Ilaa Iyo Inta Uu Guul-Darysanayo Halkaasna Uu Ku Baaba'ayo".Toddobadaa Qoddob Waxa Ay Anfici Doonan Nolashada, Waa Qoddoba Aan Anigu Tijaabiyay Iina Horseeday Badhaadhe, Tijaabi Oo Ku Dhaqan Waxaad Dareemi Doontaa Isbaddal Aad U Balaadhan. Isku Day In Aad Naftaada Dhiiri Galiso,Ogaatana Wax Walba Oo Ay Ku Fiican Tahay, Raadisana Hibooyinkaga. Waxaad

Ogaataa Qofna Ma Dhiiri Galin Kartid Waxna Uma Qaban Kartid Ilaa Iyo Aad Aadigu Isbaddal La Timaado.

Gunaanadkii

Waxa Aan Kusoo Koobayaa, Mustaqbalkagu Gacantaada Ayuu Ku Jiraa,Loomana Baahna In Aad Cid Udaba Fadhiisato Rumaynta Riyooyin Kaga, Go'aanku Waa Halkaaga, Noqo Qof Hansare Leh Xigmad Uu Leeyahay Mubarak Haadi Ayaa Waxa Uu Yidhi " Kol Hankaagu Haddu Sareeyo, Adna Hagrasho Waayi Maysid, Han-Yare Kudhiba Waayi Maysid, Han Jabaad Caddow Waayi Maysid, Halyeeynimo Haddaanad Muujin Difaaca Himilooyinkaga, Hadafkaad Lahayd Gaari Maysid".

-Waxaan Ku Soo Gabagabayn Doonaa Meerisyo Kamida Maansadii Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)Uu Lahaa;-* Qof Baad Tahay Guul Abuura* Qof Baad Tahay Guri Yagleela* Qof Baad Tahay Gaar Ahaanta* Ku Gaajo Baxo Oo Is Keenaa* Gankaa Kuma Dheera Caaro* Aqoontaaduna Ma Gaabna* Ma Gaagaxin Aayahaagu* Dadkaagana Kama Go'aysid* Dalkaaguna Kuma Gariifin* Galbeed Yurub Kuma Yeedh.

Fg. Dhiganahan Yar Ee Kooban Waxaa Qoray Anigah Khaalid Abdirashiid Ahmed (Khalitt Fool_Hawiye), Waxa Aan Ugu Talo Galay In Aan Ku Baraarujiyo Dhallinyaradeena Ay

Dhiiri Galin La’aantu Laabtooda Biyo Dhigtay, Una Sheego In Ay Iyaga Ku

Xidhan Tahay Wax Kastaba, Isku Day In Aad Adigu Naftaada Dhiiri Galiso, Hana Ka Raadin Dhiiri Galin Dadka Kugu Xeeran, Maxaa Yeelay Haddii Aad Adigu Is Dirto Iyo Haddii Ay Dadku Ku Diraan Keebaad Wax Baddan Qaban Kartaa?, Jawaabtu Waa Marka Aad Adigu Is Dirto.

"

Waad Ku Mahadsantahay Akhrinta Aad Akhriday Dhiganahan Yar

Dhiganahan Waa Hanti Maskaxeed Akhyaarayy


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...